Dalka Hindiya waxaa shalay lagu xukumay maxaabiis kale oo Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 16 maxbuus, waxa ay dalkaasi Hindiya ku xidhnaayeen ku dhowaad 7 sanadood.
 
Maxaabiista shalay la xukumay ayaa ah qaybtii labaad ee la xukumo iyadoo toddobaadkii hore Hindiya oo xukuntay 15 Maxabuus oo ka mid ah 118 ku xidhnaa Mumbai.
Xoghayaha Koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Hindiya Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Xiish) ayaa sheegay in 16 maxbuus oo ah qaybtii labaad la xukumay 7 sanadood oo xadhig ah iyo ganaax dhan 238 Dollar.
 
Wadarta guud ee ilaa hadda la xukumay waxa ay dhan tahay 31 Maxbuus, kooxda saddexaad ayaa maxkamadda hor tegaya Jimcaha foodda nagu soo haya oo ku beegan 2017-08-11.
 
Maxkamadaynta maxaabiista Soomaaliyeed ee Dalka Hindiya ku xidhan baa sii socon doonta, tan iyo inta la wada maxkamadaynaayo dhammaan 118 maxbuus oo dalkaasi ku xidhan 6 sanno iyo badh, waxayna dalka Soomaaliya ku soo laaban doonaan marka ay u dhamaadto maxkamadayntu.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY