Foto: TT

Qaxootiga Dalka Sweden ayaa markii ugu horreysay loo oggolaaday in ay Bangiyada dalka ka furtaan koonto ay ugu soo dhacdo lacagaha ay qaadtaan, kuwa dalka ka shaqeeyana ay Mushaharkooda si dhib yar ku helaan.

Bangiyada ayaa gebi ahaan diidi jiray in ay koonto ka furtaan Dadka magangeliyo doonka ah ee haysta kaarka Qaxootiga ee loo yaqaano LMA-kort, waxa ayna isticmaali jireen kaarka Bangiga ee  ICA Supermarket  oo ay laba jeer keliya Bishii lacagaha kala bixi jireen, balse kaarka Bangiga Shirkada Adeega ICA ayaa ahaa oo keliya mid u fududeeyn jiray in ay ku adeegtaan dadka qaxootiga ah.

Wasiirka Suuqa Dhaqaalaha Per Bolund, Hay’adda Laanta Socdaalka Migrationsverket iyo Bangiyada dalka ayaa shalay kulmay si ay uga wado xaajoodaan hindise ku saabsan in dadyowga magangeliyo doonka ah loo sahlo in ay furtaan koontooyin ay ugu soo dhacaan mushaaradka.

– Dhibaato ayaa ka haysata dadka magangeliyo doonka ah ee shaqooyinka haysta in ay bangiyada ka furtaan koonto musharka ugu soo dhaco, ayuu yidhi Wasiirka Suuqa Dhaqaalaha Per Bolund.

Waxuu raaciyey

– Caqab ayey arrintan ku noqotay sidii magangeliyo doonka dalka iskaga meeleyn lahaayeen oo ay suuqa shaqada u soo geli lahaayeen. Sidaas daraadeed aad ayaa ugu faraxsanahay in aan caqabadaan meesha ka saarnay oo hadda ay magangeliyo donku koonto ka furan karaan bangiyada.

Hay’adda kormeerkta dhaqaalaha Finansinspektionen ayaa hindis ku soo jeedisay in kaarka loo yaqaano LMA-kort ee la siiyo dadywoga magangeliyo doonka ah markay dalka iska dhiibaan waxaa hadda ka dambeeya ay bangiyada u aqbalaan sida kaar aqoonsi – taas oo awal bangiyada iska diidi jireen.

Hindisaha cusub ayaa saameynaya tobaneeyo kun oo ah magangeliyo doon la siiyey ogalaansho ay ku shaqeysan karaan balse bangiyada ka diideen in ay koonto ka furtaan, maadaame bangiyada kaarka LMA-kort u aqoonsaneyn sida kaar aqoonsi. Balse waxaa hadda laysku raacay in caqabdaan meesha laga saaro oo qaxootiga kaarkan haysta loo sahlo furshada koonto bangi.

Wasiirka Suuqa Dhaqaalaha Per Bolund oo Waraysi siiyey Idaacada Sweden,  Sverige Radio qaybteeda Afka Soomaaliga oo hindisahan cusub  ka hadlaya ayaa yidhi:

– Waxay hindisahaan cusub ka micno yahay in dad badan oo waddankeena yimaada oo doonaya in ay shaqeeeyaan lehna awooddii fursadeed ee looga baahnaa suuqa shaqada Sweden hadda helayaan fursad ay ku shaqeysan karaan.

– Caqabaddii aheyd in dadyowgan bangiyada koonto ka furan karin hadda meesha waa laga saaray, ayuu yiri wasiirka suuq dhaqaalaha Per Bolund.

Arrintan ayaa laga doodayey laga soo bilaabo bishii januari iyadoo dhibaatada ugu weyn ey aheyd sidii lagu heli lahaa qaab lagu hubin karo aqoonsiga dadyowga koonto bangi furanaya ee aan heysanin kaarar aqoonsi, taas oo ah sharuud ka mid ah sharuucda ka hortagga lacag dhaqitaanka.

Hindisaha xeerka cusub ayaa hirgalaya laga bilaabo maanta, balse kadib xilliga faxsaha xagaaga ayaa la filayaa in Hay’adda Socdaalka Migrationsverket hirgeliso rootinada loo baahanyahay.

– Waxay u muuqataa bangiyada in ay hindisahan u arkaan mid wanaadsan, kuligeena waan isku afgaranay taagerida hindisahan. Waxuuna dhaqan gelayaa sida ugu dhaqsaha badan, ayuu yeri wasiirka suuqa shaqada Per Bolund.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY