Dawlada iyo Shacabka Puntland ayaa guul in badan la sugaayey maanta si rasmi ah u bilaabay Dhismaha Waddada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, taas oo dhererkeedu yahay 220 km.
 
Waddada Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo ayaa isku xidha Gobollada Bari iyo Sanaag, waxana  uu noqonaya Mashruucii ugu horreeyey ay fuliyaan Dawlada iyo Shacabka Puntland oo iskaashanaya.
 
ceeldaahir-ceerigaaboWaddada isku xidha Boosaaso, Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo waxaa dhex gooshayaa Gawaarida Xamuulka ee dhismaha waddada, Cagafcagafyo, Booyado rushaynaya waddada, Marka laga tago waddada Bilaabantay waxaa shacabka Puntland Guul kale u ah in qalabkan uu yahay hanti ay leeyihiin.
 
Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhagahax dhigay MAY 22 2015 Waddada isku xidha Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, isagoo halkaasina kaga dhawaaqay Baaq ah in Puntland isku-tashato ayna awoodaan in ay dhisaan waddada isku Xidha Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.
 
Qakabkii Dhismaha Waddada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo ayaa soo gaaray Boosaaso intii u dhaxaysay 1da ilaa 5ta March 2015, iyadoo maanta 03-10- 2016 si rasmi ah loo bilaabay Waddada isku xidha Ceel-daahir & Ceerigaabo.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY