Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa Maanta oo Sabti ah Xaqiijisay in ay dil toogasho ah ku Xukuntay 43 Maxbuus oo laga soo qabtay dagaaladii ka Gobolada Mudug, Nugaal iyo Karkaar.
 
Xeer ilaaliyaha Maxkamada Cabdullaahi Xirsi Cilmi oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maxaabiistan la xukumay ay ku caddaatay oo ay qirteen dilka 24 Askari oo reer Puntland ah iyo Dhaawaca 72 kale, intii uu socday Dagaalkii ka dhacay Gobolada Karkaar iyo Nugaal iyo Mudug.
 
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Darajada Kowaad Cabdullaahi Xirsi Cilmi ayaa Sidoo kale sheegay  in dadkaasi la xukumay qayb ka ahaayeen 97 qof oo dagaallo lagu soo qabtay, kadib markii ay kasoo dageen xeebaha Puntland horraaantii sannadkan wuxuuna inta hartay ku sifeeyay kuwo buuxin waayay da’da qaan-gaarnimada.
 
Qareennada Difaacaya Alshabaabka la xukumay ayaa qabsaday hal bil oo racfaan ah.
Puntland ayaa sheegtay in dagaalladii ay Al-shabaab Bishii Afaraad ee Sanadkan ay kula galeen Suuj, Garmaal iyo Garacad in ay ku Dileen 283 Dagaal-yahan, ayna ku qabteen maxaabiis gaaraysa 110-ruux.
 
Ugudanbayn, Puntland ayaa dagaal adag la gashay kooxda Alshabaab oo u badnaa Caruuro sannado badnaa ka maqnaa eheladooda, sida qaybo ka mid ahaa markii dagaalada lagu qabtay ay saxaafadda u sheegeen, dagaalkan ayaa ka dhacay Togga SUUJ oo ka tirsan deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal iyo Deegaanka Dabakaran ee Gobolka Mudug.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY