War-saxaafadeed Madaxtooyada Puntland laga soo saaray maanta, ayaa lagu sheegay in maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah oo iskaashanaya ay weerarro is-daba-joog ah ku qaadeen Magaalada Gaalkacyo maalmihii ugu dambeeyay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dagaallada Gaalkacyo uu billowdeen kaddib markii Madaxweynaha Galmudug uu sheegay inuu Gaalkacyo ka taliyo hal maamul, iyadoo intaas lagu daray in Waqooyiga Gaalkacyo ay ciidamada Galmudug iyo ku Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garaaceen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay waxyeello ka soo gaartay shacab, ayna ku burbureen dhismayaal.

War-saxaafadeedka ayaa maanta lagu baahiyey shabakadaha Soomaalida, waxaana uu markii ugu horraysay ka soo baxay warbaahintuna ka soo xigatay shabakadda Sanaagpost.com iyo Mulkiilaha lagu magcaabo  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo dhexbooda Madaxtooyada Puntland, Maaha qoraalkani mid  ka soo baxay  Madaxda ugu sarraysa ee Puntland, Waa mid lagu jaahwareerinaayo  Shacabka Puntland.

Qoraalkan Shabakada kor ku xusan ka soo baxay  Malaha kama ay warqabto  in  ay Puntland ku sugan yihiin, Ra’iisulwasarihii Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’ake, Xildhibaanno ka tirsan Dawlada Fedraalka Soomaaliya, Murashaxiin u tartamaya Xilka Madaxwayninimada Dawlada federaalka ah iyo  Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya. Ma masuuliyiintan baa Puntland Weerar ku soo qaaday? Mise  Shabakadan kor kuxusani waxay tumaysaa Durbaanka Gaalkacayo!

Halkan  hoose ka Akhri qoraalka lagu sheegay in uu Puntland ka soo baxay.

war_saxaafadeed_puntland_eedeyn_galmudug_dfs
Sanaag.so

LEAVE A REPLY