Iska hor-imaad culus ayaa dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo Xoogaaga Daacish ee dhowaan laga saaray Magaalada Qandala ee Gobolka Bari.
 
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen hubka fudud iyo kuwa culus oo labada dhinaca isku adeegsanayaan, walina aan laga war qabin khasaaraha dagaalkan inta uu le’eg yahay iyadoo goobta lagu dagaalamayaa tahay Buuraha Qandala.
 
Ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ma jiraan laamaha ammaanka Puntland ee ku saaabsan dagaalkan oo socday ilaa shalay galab iyo saaka barqadii, saraakiisha ammaanka oo ay la xidhiidhay Sanaag.so waa ay ka gaabsadeen arintan maadaama isgaarsiinta deegaankaasi ay go’antahay tan iyo markii laga saray Daacish Magaalada Qandala.
 
Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujinaya dagaaladan ka soo cusboonaaday Deegaanka Qandala waxaana dadka soo foodsaaratay baqdin waxaana istaagay isku socodkii Ganacsiga sida ay noo xaqiijeeyeen dareewalada gaadiidka cabsida ugu wayna waxa ay tahay in loo dhigo waxyaalaha qarxa miinooyin kuwaas oo lagu bartilmaamsanaayo gaadiidka dagaalka ee Puntland.
 
Magaalada Qandala ayaa ah mid qadiimi ah, waxaana ay dhacdaa xeexbta badda cas, waxaana ay leedahay istraatiijiyad aad u wanaagsan oo dhanka badda ah. Qandala waxay noqonaysaa aaggii labaad ee daagaalo ka soo cusboonaadaan iyadoo 10 sanno ka badan aagga buuraha Galgala aan weli la soo afjarin in laga safeeyo Alshabaab.
 
Qandala iyo Galgala oo labadooduba ka tirsan Gobolka Bari waxaa ka socda dhaqdhaqaaq hubaysan Daacish/ Alshabaab kaas oo haddaan si dhab ah wax looga qaban ay khattar wayn soo foodsaarayso Magaalada wayn ee ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
 
Sanaag.so

LEAVE A REPLY