Ururka DAACISH, ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Qandala ee gobalka Bari, Taas oo Qiyaastii 75-KM u jirta Magaalada Bassaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.
 
Ciidamadan la wareegay Deegaanka Qandala, ayaa la sheegay inuu Hogaaminayo Sheekh C/qaadir Muumin, kuwaas oo intaas ku daray in tirada Ciidamada uu wato ay gaarayaan ilaa 70-ruux oo si aad ah u hubaysan.
 
qandalaaSidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Xoogaggan ka tirsan Ururka Daacish markii ay galeen magaalada calankooda ka taagteen xurmaha degamada iyo Booliiska, dadkana u qudbeeyeen, iyagoo u sheegay inay magaalada sii joogi doonan.
 
Ciidamadan uu Hoggaaminaya, Sheekh C/qaadir Muumin ee qabsaday Magaalada Qandala ayaa Sannad ka hor ku biiray Ururka DAACSIH kaddib markii uu ka baxay Ururka Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa, isla markaana uu kula diriray Deegaanno ku yaalla Buuraha Bari ee Puntland.
 
Wararkii ugu danbeeyey oo sanaag.so ay ka helayso deegaankaasi Qandala Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in 2 maalmood ay ku sugnaayeen Magalaada intii u dhaxaysay 24- ilaa 26-10-2016, waxa ayna ahayeen Ciidamo badan oo Sahan ah oo dhul aad u baaxad oo dhanka badda iyo berigaba lug ku kala bixiyey iyagoo markii danbe dib ugu laabtay buuraha ku harreeryeeysan Magaalda Boosaaso oo markii horeba dhuumaalaysta ku joogeen.
 

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Ururkan daacish iyo Alshabaab ayaa ku sugan Buuraha Calmadow waxa ayna dadka deegaanku sheegayaan in ay Raxan raxan u socdaan, iyadoo dadka reer miyiga ah, kuwa safarka ah ay cabasho ka muujiyeen markay Buurahaasi ku safrayaan.

ciidanka-gaadh-haye-oo-jooga-ceelka-moon-ee-calmadow-col-indha-yareCiidamada Deegaanka la magacbaxay “Gaadh-haye oo uu hoggaaminayo Col. Maxamed Jaamac ( Indho Yare) ayaa dhowr bilood ka hor mar halkaasi isku urursaday, waxayna wadaan abaabul ay ugu hortagaan, Balse ciidamadan oo tiradoodu ahayd 300 ayaa dib uga laabtay Moon iyo Ragaad markii ay cudud soo dul dhigeen Ururka Alshabaab.
 
Ugu danbayn, Ururka Alshabaab iyo Daacish ayaa qoloba dhankeeda isku urursanaysaa, labadana Urur oo midba midka kale cadow u yahay ayaa deegaamo badan marba marka ka sii danbaysa isku sii fidinaya.
 Sanaag.so

LEAVE A REPLY