Waxaan dhexda u galay laba fikir , laba aragtiyood oo laga aaminsan yahay cudurka Autism-ka. Fikirka ay dadkeyga, bulshadaydu cudurkaan ka qabaan iyo fikirka dadka cudurkan ku takhasusay ay qabaan.
 
Xaalku waxaa uu noqday in qolo walba aanay i fahmin aniga iyo wiilkeyga Zak” Kelmadahaas waxaa yidhi Nura Aabe oo wiilkeeda Zak oo yar uu ku dhacay cudurka loo yaqaan Autism-ka.
 
Waxaa ay Nura Aabe qortay Buug ay kaga hadlayso isfaham la’aanta ka taagan waalidinta ilmaha xanuunsan dhalay, dadka ku takhasusay cudurkan oo iyagu u haysta in ay wax ilmaha u fiican yaqaanaan iyo qaraabada ilamaha iyo waalidka iyo bulshada ay ka tirsan yihiin.
 
Buuga ay Nuura ka qortay xaaladan qabsatay iyada iyo wiilkeeda Zak waxaa la yiraa:
“STUCK IN THE MIDDLE” ama Af Soomaali ahaan ” Waxaan ku xanimay meel dhexe”.
 
Cudurka Autismka ayaa waxaa uu saameeyaa korriinka caruurta. Cudurkaani ma aha mid Soomaalidu ka hayaan macluumaad badan. Cudurka ayaa haddaan si fiican wax looga qaban oo aan dadaal badan la gelin waxaa uu hakiyaa korriimada ilmaha ee xagga fahamka, hadalka, dhaq-dhaqaaqa jirka iwm.
 
Dhibta weyn ee kale waxaa weeye in waalidiinta badankood ay dafiraan ama ankiraan in ilmahoodu uu cudrkan qabo.Sababta ugu weyn ee waalidku u dafiraa cudurka waxaa weeye iyagoo ka welwelsan Bulshada Soomaaliyeed waxa ay odhan doonaan.Tusaale ahaan in lagu tilmaamo in ay dhaleen ilmo madaxa ka xanuunsan. Baqidda ay arrinkaasi ka baqayaan ayey doortaan in ay dafiraan cudurka, taasoo keenta in ilmuhu waayo daawadii iyo tababarkii uu u baahnaa si uu uga gudbo xaaladan adag.
 
Haddaba Nuura Aabe ayaa qaadatay tallaabo geesinimo iyadoo u guntatay , dhexdana u xiratay siddii ay wiilkeeda Zak wax uga qaban lahayd xanuunka haya. Sidii ay wiilkeeda ugu caawin lahayd inuu noqdo mid isbixiya, noloshana guul ka gaara ,sharafna ku noolaada.

LEAVE A REPLY