Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa soo saarey qoraal uu mar kale ku caddeynayo in maalinta sabtida ee berri ah taariikhduna tahay 31.03.2018, Xildhibaanada Aqalka Hoose u fariisanayaan Mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka baalamaanka Maxamed Sh.Cismaan Jawaari.

Xildhibaano ku dhaw 100 ayaa maalintii shalay sheegay in uu buray Mooshinkaas maadaama mudadadii sharciga ahayd ee 10 maalmood aan lagu horkeenin Baarlamaanka sida uu qabo xeer hoosaadka golaha shacabka.

Maalinta uu Aqbalay Mooshinka Jawari ayaa ahayd 18 Maarso 2018, waxaana uu Muudey sheegay in 10 maalmood ay yihiin kuwo shaqo oo laga saarayo maalmaha fasaxa ah, sida ku cad xeer hoosaadka ee uu soo daliishadey

Hoos ka akhri qoraaalka uusoo saarey

Xeer hoosaadka Golaha Shacabka Qodobkiisa 9-aad, faqradiisa 4-aad wuxuu dhigayaa “Mooshinka Xil-ka qaadista Guddoomiyaha Golaha shacabka waxaa laga doodayaa loona codeynayaa 10 cisho oo maalin shaqo ah gudahood, laga bilaabo taariikhada Mooshinka la keenay Golaha”. Sidaas darteed Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha waxaa Golaha la horgeynayaa maalinta Sabtida ee ay Taariikhdu tahay 31/03/2018.

2 . Sida sharcigu na farayo Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabku wuxuu hawlaha Baarlamaanka siiwadaa Ajandaha kalfadhiga soo socdana dejiyaa markii Xildhibaannada golaha fasax ku jiraan, laakiin markii goluhu furan yahay ma laha wax saameyn sharci ah oo ay go’aanno ku gaaraan .

3 . In Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay sharciyan aanu ku hadli Karin magaca Golaha Shacabka inta arintiisa goluhu go’aan ka gaaro.

SANAAG.SO

LEAVE A REPLY