Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya u tartamaya ayaa si wayn uga socotay Maanta Xarunta Villa Hargaysa ee Magaalada Muqdisho.

Wakhtiga ay haystaan Musharaxiintu in ay is diiwaan-geliyaan ayaa ah inta u dhaxaysa 26’da- 29’ka bishan Janaayo.
Maalinta beri ah ayaa la filayaa galinka danbe in la soo gaba-gabeeyo diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxwaynaha DF Soomaaliya sida ku qoran jadwalka doorashada ay soo saareen guddiga qaban-qaabada.

Ilaa hadda waxa is diiwaan geliyey

  1. Shariif Shiikh Axmed
  2. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  3. Xasan Sheekh Maxamuud
  4. Maxamed Cali Ameeriko
  5. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
  6. Cabdiqaadir Cosoble Cali.
  7. Maxamuud Maxamed Culusow.
  8. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
  9. C/naasir Cabdulle Maxamed.
  10. Bashiir Raagge Shiiraar
  11. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  12. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  13. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
  14. Cali Xaaji Warsame
  15. Saciid Cabdullaahi Den
  16. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  17. Maxamed Cabdirisaaq
  18. Cabdullahi Cali Axmed
  19. Cabdullaahi Cilmi Moog
  20. Xaaji Maxamed Yasiin Ismaaciil
  21. Axmed Maxamed Cabdi
  22. Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi
  23. Cabdullahi Maxamed Xassan
  24. Maxamed Axmed Jabarti

Musharaxii ugu horreeyey oo is diiwaan geliya ayaa ah Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed si kastaba ha ahaatee, diiwaangelinta ayaa si fiican u socota waxa ayna soo gaba-gaboobaysa maalinta berri ahhaddii Eebi Idmo.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY