Gabayga Mus-bahalaad Maalin dhoweyd uu ka jeediyey ABWAAN MOHAMED MUSSE hall ka shirarka ee Haweenka Puntland ee Garoowe taariikhda 2016-09-08/ Sanaag.so

MUS BAHAALAAD:

Waxaa Madasha lagu sheegayaa waa mus bahalaad e
Soomaali waa lagu makalay marag Ilaahay e
Muddaciyo muddaaceli ma jiro muran ka yaallaa e

Iyagoo midoo wada socday meel u wada jeeda
Ayuun bay mushkilad noo jilaan filin is maandhaaf e
Oo ay muraadkooda baas nagu marsiistaan e

Markab jabay dantii guud ka daran amase maandeeq e
Awel waa muqlowdaye hadday madhaf ka siiyeen e
Ma mayaline himilooyinkii waa mixnadiyeen e

Cadligii mujtamaca u dirsaday mawtiyoo dile e
Macnihii dawladnimadii la rabay waa murkiciyeen e
Midnimiyo heshiisiin bulshada kuma masaawayn e

Masabbidi an maayee dalkii waa madow yahay e
Magallootiyaalkaa qabsaday baan ahayn madax e
Musuqmaasuq mooyee wanaag uma muctaadaane

Mukhlis laguma oga daacadnimo lagu majeertaa e
Muqdarna kumaba jiro ama waddani ceeb ka maydhani e
Midba maalin bay Baarlammaan madhani keeneen e

Muslin laguma suurayn kariyo mani xalaaleed e
Dadkaa sow marraysane kuwaan lama magcaabeen e
Masuuliyadna looma egmadeen mukharribiintaas e

Mansabka uma qalmaan tobanka ay noo mixlalayaan e
Miiq nooma qaban dib-u-dhac bay nagu maqiiqeen e
Mardadabo hungo ah been cad baa nala ku maahshaa e

Waxa nagu maxaafsada dullaal iyo mallaaliin e
Hawl an lagu mintidin bay dhahaan nooma meel marin e
Haddayba maarar sii durugsadeen macangagiintii e

Magacoodu waa wuxu ba’oo aan milgo lahayn e
Maal boob ah uun bay rabaan milil ha daaqeen e
Maxas iyo agoon bay dhaceen iyo masaakiin e

Waxay male-awaalaan inay naga macaasheen e
Hayeeshee mariid iyo sun bay malafsanayaan e
Maskax fered, shil iyo faalidh iyo kaankaraa madhin e

Maaliyadda ay naga dheceen ma calfanaayaan e
Kulli waxa mindhicirrada jarjari maalo iyo boog e
Kiniin milil siyaadshey ku gadan waxay mohoobeen e

Maaliggaannu raacsiinnay oo noo maxkamadayn e
Midh midh baa Ilaah nooga qaban mukharriibiintaas e
Meel daran ayey mari berrina maanta akkhiro e

Dadka mutacabka leh baa diroo maamuloo haga e
Waa wada midiidin an xorriyad maxabbadeed hayn e
Miciinna kama sugaynee Allaa maaro noo bixin e.

Maxamed Muuse caarreWQ: Abwaan Maxamud Musse Cali Caarre, 
Caarre85@gmail.com
Isha: Sanaag.so

LEAVE A REPLY