Guddoomiyaha Gobolka Dalarna ee dalka Sweden Xildhibaan Mursal ciise, ayaa safaro ku kala bixinaya gobolada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay dalkan Sweden. 

Waxaa uu guddoomiyuhu 8-dii febaraayo 2018 booqasho ku yimid magaalada Eskilstuna ee gobolka Sörmland.

Magaalada Eskilstuna waxaa ku nool Jaaliyad Soomaaliyeed oo aad iyo aad u firfircoon oo uu Mudane Mursal kulan la qaatay xubno muhiim ah oo matalaayey Soomaalida ku dhaqan Magaalada Eskilstuna.

Xubnaha uu la kulmay Mursal Ciise ayaa ka koobnaa  Macalimiin, Ganacsato, Ardayda Jaamacadaha, Abwaano, Ururada Dhalinyarada iyo Aqoonyahano kale. Gudoomiye Mursal ayaa madasha ka soo jeediyey hadal gaaban oo muhiim ah kaa soo uu ku tilmaamay furaha horumarka. Waa kan dardaarankii Guddoomiye Mursal ciise.

  1. Aqoon:  Qodobka kowaad ee la inaga doonayaa waxaa weeye inaan kasbano aqoon kala duwan oo noqon karta mid heer Jaamacadeed ah iyo mid heer xirfadeed ah.  Waxaan dhalinyarada ku dhiirigelinayaa iney labadaas midkood wakhtigooda geliyaan. Maadaama dadku kala duwan yahay , duruufaha iyo fursaduhuna kala duwan yihiin, waxaa haboon in qofkii ay suurtagal u tahay uu raacsado tacliin sare, waa inuu usii gudbo jaamacadaha. Balse qofkii aan taas sababo kala duwan awgeed aan gaari karin heerkaas jaamacada, waxaa haboon inuu qaato waxbarasho gaaban oo uu barto mid ka mid ah noocdayada xirfadaha. Qofkii aan tacliin sare lahayn, xirfadna aan baran waxaa aad u adkaaneysa inuu suuqa shaqada soo galo. Qofkii aan shaqo haysana waa adag tahay in codkiisu meel dheer gaaro ama si sharaf leh loo dhegeysto oo la qadariyo. Waa inaan iskula dardaaranaa oo isku dhiirigelinaa, iskuna kaalmeynaa inaan tacliin sare ama xirfad yeelano.

2. Shaqo:  Sweden iyo guud ahaan wadamada aduunka intooda badan waxaa isku xiran aqoonsiga qofka, taasoo loola jeedo shakhsiyada qofka iyo shaqada uu haysto.  Kolkii la isa salaamo ka dib, waxaa Iswiidhan iyo guud ahaan wadamada reer galbeedka la isweydiiyaa su’aasha ah Maxaad ka shaqaysaa? Haddii aadan shaqo hayn laguuma arkayo qof bulshada wax ku soo kordhinaya oo la dhageysan karo. Su`aashani macno weyn ayey xambaarsan tahay maxaa yeelay haddii aad shaqayso waxaad bixisaa cashuur, waxaadna ka qaybqaadataa horumarka dalka. Taasoo keeneysa in adigana lagu tixgeliyo, lagu sharfo, hadalkaagana la qiimeeyo. Taasi waxaa kasoo horjeeda shaqo la’aanta. Haddii aadan shaqayn macnaheedu waxaa weeye waxaad ku nooshahay cashuurta dadka kale bixiyaan, dalka wax kuma soo kordhisid, balse waxaaba ku tahay culays. Taasina waxaa ay dhalisaa in laguu arko qof iska miskiin ah oo u baahan in gacanta lagu hayo.

3. Joogitaanka meelaha lagu gaaro go’aamada muhiimka ah:  Go`aan kasta oo golayaasha siyaasada ay soo gaaraan waa mid saamayn kugu yeelanaaya.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan joogno, kana qayb qaadano go’aamada ina quseeya. Balse taasi ma aha mid iska timaada ee waxaa ay u baahan tahay juhdi iyo dadaal la mid ah labadii qodob ee aan kor kusoo sheegnay.

Waxaa muhiim ah inaan ka mid noqono ururada bulshada, kuwa aan dawliga ahayn, iyo kuwa dawliga ahba, hay’aadka iskaa wax u qabso  iyo xisbiyada siyaasada.  Ururada kala duwan ee dalka ka jira sida kuwa isboortiga, dhaqanka, tacliinta, siyaasada ayaa dhamaantood waxaa qofka xubinta ka ah u horseedaan in la barto kartidiisa iyo wax qabadkiisa, taasoo keenta qofka la aamino, kalsoonina la siiyo. Markii lagu aamino, lana arko inaad tahay qof firfircoon, aqoon iyo waxqabad leh, fikir iyo han leh, kolkaas ayaa lagugu aaminayaa jagooyinka muhiimka ah. Taasoo horseedeysa inaad ka mid noqotid dadka gaaraaya go’aamada kala haga bulshada. Magacaaga iyo magaca Soomaaliyeedba waxaa ay noqonayaan kuwo kor u kaca oo xushmad iyo wanaag bulshadu u hayso.

Saddexda qodob haddii lagu guuleysto, waa kuwo tirtiraaya waxii magac xumo ah oo hore inoogu baxay, haddaan Soomaali nahay . Waana qodobo horseedaaya inaan sharaf iyo karaamo ugu noolaano dalkaan Sweden, Dalkeennii Soomaaliya  iyo guud ahaan wadamada kale ee aan deganahay, Ayuu Mursal hadalkiisa kusoo afjaray.

Eskilstuna, Sweden

LEAVE A REPLY