Maalinta berito ah Sabti, waxaa ka furmaya Magaalada Muqdisho Shir heer sare ah oo u dhexeeya Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Inta badan Mas’uuliyiinta Maamul Goboleedyada ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo si wayn loo adkeeyey ammaankooda.

Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeedhay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed waxaana diirada lagu saarayaa Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Caasimada Dalka Britain London ka furmi doona bisha soo socota horraanteeda.

Shirkan Caalamiga ayaa looga hadlaya taageeradda Dawlada Federaalka Soomaaliya Samafalka iyo Ammaanka, kaasi oo bisha May 11-da ka furmi doona Caasimadda dalka Britain ee London.

Xog-hayaha arrimaha dibddda dawladda Britian Boris Johnson ayaa yimid Caasimada Muqdisho 15 Mars waxaa uu sheegay in dawladda ay ka gacan siinayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, dhanka amniga iyo sidii si wadajir ah looga guulaysan lahaa Al-Shabaab, waxaa uu intaa ku daray in Shir heer sare ah u socoto qaban qaabada shirweynaha London ka dhacaya ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya bulshada caalamka ay ku yaboohi doonaan taageero buuxda.

Ugu danbayn, Shirka 11 May ka dhicodoona London waxaa si wada jir ah u Shir guddoomin doona Raysalwasaaraha Britan Theresa May iyo Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo.

Sanaag.so News Desk

LEAVE A REPLY