Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xabsiga kasii daysay Wariye Mukhtaar Nuur, oo Khamiistii lasoo dhaafey ay xireen Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA). 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa xaqiijiyay sii daynta Wariye Mukhtaar, oo uu sheegay in markii hore loo xiray Arrimo ka baxsan xirfadiisa Saxaafadeed.

“Mukhtaar Nur waa la sii daayey oo dawlada waxaa ka go’an in muwaadin walba cadaalad helo. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena iyo kan Shacabka tixgeliyey,” ayuu yiri Eng Yariisow. 

Mukhtaar Nuur, ayaa ah Sawire-qaade inta badan soo bandhigi jiray billicda goobaha qurxoon ee ku yaalla Muqdishu, Kismaayo Boosaaso iyo Buuraaha Calmadow isagoo adeegsanaya Kaamiro ku xiran diyaarad yar oo nooca Drone-ka ah, oo aan isticmaalin Wariyaasha kale ee ka howlgala magaalada.

Hay’adaha amaanka dawladda ayaa ka shakiyay Mukhtaar, kadib markii ay arkeen Muuqaallo uu ka duubay dusha sare ee dhismooyinka waaweyn ee Caasimadda, oo kuwa dawladda ay ka mid yihiin. Balse wali ma jiro war ka soo baxay NISA oo ku saabsan sababta xariga Wariyaha.

Fanaanka Aar Maanta oo ka hadlay xariga weriye Mukhtar Nuur “Hadalka uu ku daabacay Twitter-ka, waxa uu muujinaya sida Mukhtar u daahirinayo una soo bandhigayo horumarka dadkiisa iyo dalkiisa.

Mukhtar Nuur, Jama Deperani iyo Abdi Nasir Da’ad 2016.

Baraha ay Bulshadu ku xiriirto sida Facebook, Twitter, Youtube, Instagram, Snapchat ka  ayaa aad looga dareemay Xidhiga Mukhtar Nuur iyadoo ay dadku ka dalbadeen Madaxda Qaranku in ay si deg deg ah ku siidaayaan.

 Ugu danbayn,  Mukhtaar Nuur ayaa dhammaan tageerayaashiisa uga mahad celiyey sida ay u garab taaganyeen 4tii habeen uu ku jiray xabsiga, waxaana uu sheegay  in uu ka sii qaaday Wadaniyad isla markaana uu sii labanlaabayo shaqadda uu u hayo taageerayaashiisa.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY