Hoggaamiyaha mayalka adag ee Mukhtaar Roobow Cali loona yaqaan Abuu Mansuur, ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wasiirka gaashaandhigga dawladda federaalka ah iyo taliye kuxigeenka NISA.
 
Abuu Mansuur, waxaa uu ka mid ahaa asaasayaashii Xarakada al-Shabaab, waxa uu noqday afhayeenka ururka Alshabaab, marna soo noqday ku xigeenka Amiirka al-Shabaab ayaa ugu danbayn isku soo dhiibay Mamaulka koonfur galbeed iyo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
 
Saraakiisha dawladda ayaa la sheegay in ay xalay kulan kula yeesheen tuulada Abal Mukhtaar Roobow kadibna ay ku heshiiyeen inay yimaadaan magaalada Xudur.
 
Mukhtaar Roobow ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaallo kula jiray maleeshiyada Al-Shabab oo weeraray saldhiggiisa, ka dib markay ka war heleen wararka sheegaaya in bishii June Maraykanku ku dhawaaqay in ay liiska dadka madaxooda lacagta lagu raadinaayo laga saaray.
 
Dagaalada u dhexeeyey Abu mansuur iyo Alshabaab ayaa warka keliya ee laga helaayey ahaa mid hal dhinac ah kana imaanayey maamulka Koonfur Galbeed oo uu deegaan ahaan iyo hayb ahaan ka soo jeedo wadaadkan mayalka adag ee hadda gacanta ku jira.
 
Ugu danbayn, Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya weli ma soo bandhigin Abu Mansuur Roobow, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda laga soo dejin doono Muqdisho isla markaana Warbaahinta loo soo bandhigi doono.
Sanaag.so 

LEAVE A REPLY