Mudaharaad balaadhan oo lagu diidan yahay wareejinta Dekadda Berbera, ayaa saaka ka dhacay magaaladda Berbera, taas oo wadooyinka ay ka holcayaan taayiro la gubay.
 
Dadwaynaha taayiradda la gubay ayaa la sheegay inay ka soo horjeeddeen kireynta dekadda, isla markaana aan ogolayn in dekadda cid kale lagu wareejiyo, waxaana mudaharaadkani bilaabmay wakhti ay dekadda Berbera kormeerayeen Khabiiro iyo Injineero ka socday Shirkadda Dubai Ports World oo indho indhaynayey sida hawshu u socoto.
 
Ciidamo badan ayaa illaa shalay la keenay Magaaladda Berbera, isla markaana ilaalinayey amniga dekadda iyo guud ahaan magaaladda, kuwaas oo loo keenay inay ka hor tagaan wixii mudaharaad ah ee la isku dayo in la sameeyo.

dibadbax berbera1Taayiradan la gubay ayaa ah nooc cabasho ah oo dadku ku diidanyihiin heshiiska Somaliland ay la gashay Shirikadda Dubai Ports World.
 Ugu danbayn, tan iyo markii ay soo shaac baxday wareejinta dekadda Berbera, waxa isa soo tarayey dadka cambaaraynayey, isla markaana ku qanacsanayn heshiiska ay somaliland la gashay Shirikadda Dubai Ports World.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY