Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo hor leh oo uu siinayo Soomaaliya, taasoo loogu talagalay in lagu taageero hay’adah dowladda.

Guddoomiyaha guddiga hormarinta iyo iskaashiga caalamiga ee Midowga Yurub, Neven Mimica ayaa ka sheegay deeqdan oo dhan  €73-milyan oo Yuuro, kulan uu magaalada Brussels kula yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Waxaa uu sheegay in lacagtan loo qondeeyey taageeridda laamaha kala duwan ee dowladda, arrimaha gargaarka iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa soo dhaweeyey taageerada Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in ay muujineyso saaxiibtinimo dheer ee ka dhexeyso labada dhinac.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY