WQ: Mohamoud Musse A Arre

MAXAA WARANKA IYO WEEDHA KULMIYEY:(Tu waliba talay iga rabtaa toogo qumineed)

Murti-Xikmadeed Soomaaliyeed baa Tidhaahda: Cajab, tolow awelba walaalkay caano habeenkii iima toosin jirine, caawa muxuu igula maagay ma doorshaan baa kaga dhacay…

Sida la weriyo, weedh-murtiyeeddaas waxa laga guntey wiil da’diisu yarayd oo walaalkiis oo nin weyn ahaa ku hayey geel-xeraad. wiilkaasu wuxu ahaa qofka keliya ninkaas weyn geela ku weheliyey… Xigmaddu waxay ku timi, sida la sheegay; wiilka yari habeen walba marka geela la xero geliyo, buu isagu ardaaga iskaga gam’i jirey, illeyn wuxu waa ilme yar oo maalintii oo dhan geelaas dabo widhig lahaa oo daal ka badtaye.
Ninka weynina waxa caado u ahayd inuu caweysinkii Geela caano ka maalo, marku dhergona iska seexdo, wiilkana hurdada iyo qadoodiga u saayo…
Kolkaas, habeen ayaa wiilkii yaraa waxa hurdadii ka toosiyey ninkii weynaa ee walaalkiis ahaa, kaddibna wuxu siiyey gaawe caano ka buuxaan, oo wuxu ku yiri, walaal hoo caano weeye ee dhan oo cab..
Wiilkii inta farxay ayuu qudhqudho ku bilaabay caanihii… markii uu si wanaagsan uga baahi tirtay ayuu u yare neefsada… Markaas wuxu aad ula yaabbanaa dheeftaas aan awel hore jiri jirin ee walaalkiis caawa oo qudh ah ugu deeqay..
Mar labaad buu xoog u cabbey, isagoo aad mooddo inuu uurka ka lahaa EEBBOW AANU IGALA NOQON…U Xiiqtirashadii labaad ayuu wiilkii wuxu isweydiiyey su’aal oo wuxu yiri:
WALAALKAY AWELBA CAANAHA IIMA TOOSIN JIRINE, TOLOW CAAWA MUXUU IIGU KICIYEY MA DOORSHAAN BAA KAGA DHACAY??!!.
Sida muuqadta, weedhan waxa ku sii laabudan arrimo dhawr ah oo wiilku maanka ku hayey, kuwaas oo bartilmaameed u ahaa in wiilku su’aashaas xikmadaysan naftiisa weydiiyo; arrimo-asbaabeedyadaas wiilku xusbadaysnaa ee ka soo burqiyey xikmaddan waxa ka mid ah; wiilku wuxu is lahaa:
 
  1. Ninkani awelba walaalkay buu ahaa, anna walaalkiis ka yar baan ahaa, caanahana iima toosin jirine; maxaa caawa jira?.
  2. Ninkan awelba isagaa iga masuul ahaa, habeen kastana ardaaga inaan jiifo waa igu arkaayey, caanahana iima toosin jirine, muxuu caawa ii siiyey caanaha?.
  3. Ninkani habeen walba anigoo galaha jooga aad u baahan, geela dushayda waa ku maali jirey, agtaydana ku dhami jirey; caanahana iima toosin jirin ee maxaa caawa ku soo siyaadey?!.
  4.  iwm.

HADDA sheekadaas waxan uga gol leeyahay; Awelba UAE ma ay siin jirin Somaliland Hub, dhaqaale, tababar, mashaariic macno leh iyo taageerooyin Siyaasadeed toonna.. waayo haddeer???..

Awelba SL waa la ahayd, Carab, Muslim iyo walaalo UAE, kaalmadoodana waa u baahnayd, waxna uma ay qaban jirin ee haddeer waayo?!!.Maxaa waranka iyo weedha kulmiyey?…

Sow lama fahmi karo inay UAE u duurxulayso dano u goonni ah, oo aysan xattaa SL dan u wadin…

Sow lama dareemi karo in markii ay arkeen in Soomaaliya (woqooyi iyo koonfurba) dawladnimo iyo nabadgelyo ka muuqato ay bilaabeen xodxodashadan cusub.

Sow lama fahmi karno inay UAE ka faa’iidaysan hayso mashruuca goonni isu taagga Somaaliland oo la og yahay in aysan UAE 28kii sano ee uu jirey maalin keliya hiil u muujin… Saw lama dareemi karo inay ismaandhaafka UAE iyo DFS awgiis uun hadda ugu hambaabireen batrool ku shubidda arrinkaas xasaasiga ah ee kala go’idda Soomaaliya.

Saw ma muuqadto inay UAE ay u beerlaxawsan hayso SL inay xaabo ama shidaal uga dhigto qorshahay wadadto ee ah xasarad hor leh ka kicinta Soomaaliya.

Sow uma egka in ay UAE ramaahadan cusub ee SL ku sii kala fogayn hayso Muqdisho iyo Hargeysa ooy burburin hayso wada hadalkii u socdey labada dhinac oo ay colaad ku beddelayso…

HADDABA, Waxa xaqiiqo cad oon muran iyo mugdi toonni ku jirin ah, in tubta ugu dhaw, uguna sahlan, uguna dhib iyo hawl yar ee ay qaddiyadda SL ku suurtoobi karto ay tahay, tan miiska dushiisa ee wada hadal iyo is qancineed ee is afgarad iyo walaalnimo dhab ah…

Yacni: Caqligu waa inuu gartaa in SL haddii ay aqoonsi ku gaadhi karto sii burbursanaanta Qaybta kale ee Soomaaliya ay aqoonsigay rabto heli lahayd 28kii sanee tegey oo ay Somaliland maamul iyo amni lahayd, Koonfurina xaalad dagaal iyo fawdo ku jirtey…

Kolkaas, waxa biyo-kama dhibcaanka arrimeed yahay, Soomaaliya oo dawlad yeelata ayaa danta Soomaaliland ku jirtaa; waayo, marka nidaam kala dambayneed iyo dawladnimo wax-ku-ool ahi ka hano qaado dalka uun bay dhici kartaa in rabitaanka Dadka reer woqooyiga ahi tubta rajada iyo himilo higsiga cagta saaro oo ku yeeshoodo garawsho iyo aqbalid uu ku hirgalo … waayo waa u lagama maarmaan in qaddiyadda kala go’iddu ka timaaddo dawlad Soomaaliyeed oo muqdar ah, waddanka ka talisa, sharciyad caalami ah haysadta oo ansixisa aqoonsiga SL inuu mandiq yahay oo isla waafaq ku buuxa ku meelmaray..

Tasina sideedaba waxay ka marag furaysaa in aysan SL keligeed sii jiri doonin ooy ku dhismi karto uun sharciyayn ay ka hesho Dawlad Soomaaliyeed.

Arrinkaasina sida muuqata waa arrinka dhab ahaan hawlgallada UAE dhicisaynayaan oo curyaaminayaan; ooy guud ahaan UAE isku deyayso in ay meesha ka saarto oo disho… si aysan Soomaaliyaba dib dawlad u yeelan…

Haddaba, waxa isweydiin mudan; Somalilad markay Soomaaliyadii ay wax ka dhexeeyeen ka fogaanayso, colaadinayso, sharaysanayso oo iska fobgoratso, isla markaasna, ciddii wiiqaysa ee ay is afgaran waayaanba ula soo safanayso RAGAADKA MAYSKU FOGEYNAYSAA MISE WAA ISKA SAARAYSAA?!!.

Mase og tahay, Gacantaadu haddii ay dhudhub kaa gasho laguma soo dhiftee waa laga soo dhiraandhiriyaa e…?!!

Mohamoud Musse A Arre

LEAVE A REPLY