Hordhac:

Galbnimadii khamiista ee ku beegnayd 21/7/2016  ayaa Xubo katirsan Ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya waxa ay gudaha u galeen Xarunta Cilmi-badhista Mogadishu center, oo ah Xarun cilmi-badhis oo ku taal Caasimada Muqdisho, Waxayna ka kaxaysteen Howl-wadeenadii Xaruntaa oo kala ahaa:

  1. C/wahaab Cali Mumin , Maamulaha Xarunta
  2. Maxamed Siciid Mire, Cilmi-baadhe (Researcher)
  3. Shaafici Cabdicasiis Xaaji, cilmi-Baadhe (Researcher)
  4.  Cabdiraxmaan Ibraahim Cabdi – Cilmi bare, Cilmi-Baadhe (Researcher)
  5. C/rixiim Muuse Cali,  IT Officer

Iyo dhamaan wixii Ducomatiyo iyo Qalab yiil xarunta.

Cilmi-badhayaashan oo lageyey saldhig ciidanka nabad-sugudu leeyahay aayan jirin wax denbi  cad oo oo lagu hayo, waxayna xabsiyo keli gedisan ku jireen mudo gadhaysaa bil iyo dheraad.

Warar hoose ayaa sheegaya in ragaan lagu eedeyey Daraasad ay ka qoreen arrimaha Amniga Muqdisho oo aan la shaacin . Waana daraasad iyada oo qabyo qoraal ah u dhiibeen C/rixmaan Tuuryare (Xassan ayay jifi hoose ahaayeen) oo ahaa taliyihii hore ee NISA.

Kadib markii Xilka laga qaaday  Tuuryare ayaa la soo fagay daraasadda oo iyada oo xitaa aan la faafin denbi looga dhigay saxafiyiinta iyo xarunta,

Waraku waxay shegayaan in Qoraagii warbixinta uu qirtay inuu ay isla ogayeen hogaankii hore NISA, wuxuuna dalbaday in lagu maxkamadeeyo hadii wax danbi ah ay leedahay qoraalka qabyada ah ahi.

Arinkaasi ma dhicin, waxana danbiga oo ah mid siyaasadeysan dusha looga tuuray dhamana Howl-wadeenadii xarunta,

Mudo bil-ah markay xidhnayeen ayaa la hor geyey maxkamad Ciidan, welina wax danbi cad laguma Qirin.

Sababaha loo badniyo xadhiga xarunta?

Arrimaha ka dameeya xirista ragaan ayaa ah kuwo siyaasad dalka ku lug leh, wararka hoose ayaa sheegaya in ay ugu weyntahay arrimo la xiriira DOORASHADA , una badantahay ragaan in ilaa inta hawshu gar u dhicin lasii hayo.
Arrimaha ugu muhiimsan ee xariga ragaan waxaa sabab u ah :

  • Xarunta waa xarun Af – Carabi wax ku qorta oo fikrad ahaan aan ka trisanayn koox diimeedka Damul-Jadeed ee talada haysa, kuwaas oo walwal ka qaba saxaafad kasta oo Af dheer oo iyaga aan hadalada ka daba dhihin.

2- Raga Xarunta mid ka mid ah waxaa loo arkaa mid caqabad ku ah qoryashaasha dib usoo noqosahada Xassan Shiikh , maadaama uu yahay nin galaangal ku leh dawlado Carbeed qaarkood , isla markaasna xubnaha reerkiisa ee baarlamaanka ka hor istaagi kara ragga Damul Jadiidka maadaama uu xiriir dhaw la leeyahay suldaanke beeshiisa (waa Biyamaal beeshaasu).

  • Xarunta waxa ay noqotay mid xog badan xanbaarsan , dhexdhexaad ah, rag badan oo qoarayaal Afka carabiga wax ku qoraa isu keentay, taasina waxa ay keentay in ay ka dheereeyaan wararka dacaayada ah iyo Af-miishaarnimada ee ay soo tabiyaan xaruumaha Af-carabiga ku ahdla ee taageersan Xerta talada haysa.

Bishii ugu danbeysay Xaruntu waxay soo ban dhigtay qoraalo xog badan xanbaarsan, waxan ka mid ahaa war-bixin ka hadlaysa Saadaasha doorashada iyo rag ku tartami doona.

war-bixintan ayaa ah wax-yalihii soo dedejisay xidhida xarunta.

Wararka ayaa sheegaya in Xarumah Warbahinta iyo wereriyayaasha lagu war geliyey inaanay arinkaa xarunta ka hadlin, taasna waa meel ku dhac xuquuqda aadanaha ah.

Ugu daneyn:

Xarunta Muqdisho iyo Howl-wadeenadeeda ayaa waxa lagula kacay meel ku dhac iyo xad-gudub aan wafaqsaneyn shar ciga:-

  • Waxay xidhnayeen mudo ka badan 40 cisho iyagoo an wax maxkamad madeni ah lageyn,
  • Ma jiro wax qareen ah oo u doodaya
  • Wax danbi cad oo lagu hayso looma cadeyn.
  • Qaybtood waxa laga xanibay Wax-barshadii iyo shaqadii ay wateen
  • Waxa la dilay sumacadoodii
  • Waxa laga lumiyey waqti oo ah noloshoodii.

Sida dastuurka Soomaaliya ku taal eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahy inuu helo:

  • Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto.
  • Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.
  • Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa.
  • Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig loogama dhigi karo qiraal lagu qasbay.
  • Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
  • Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay Dawladdu u qabato.
  • Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.
  • Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY