Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku kulmaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, si ay u xoojiyaan heshiiska labada dhinaca horay u gaareen.

Kulamada ayaa noqon doona kuwo labo geesood ah oo ka kala dhaca Koofurta iyo waqooyiga magaalada oo ay labada maamul ka taliyaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug Maxamuud Beerey ayaa sheegay in wada hadaladan ay noqon doonaan, kuwo maalmo qaata, isla markaana ay rajeynayaan inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa wada hadaladan hoggaamin doona.

Labada Madaxweyne kuxigeen ayaa horay ugu kulmay Gaalkacyo, iyagoo ka qeyb galay tababar loo soo xiray ciidamo isku dhaf ahaa oo loo sameeyay amniga Gaalkacyo.

Dad badan ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka labada maamul ay horay ugu qaadeen wada shaqeynta nabadgelyada magaalada Gaalkacyo iyo in la joojiyo colaadaha muddo ka jirtay magaalada.

LEAVE A REPLY