Gudiga Abaaraha Degmada Buraan ayaa guddoomay lacag dhan 2000 USD taas oo ay ugu deeqeen qurba joogta dalka Sweden gaar ahaan Magaalada Gothenburg.
 
Sheekh Cismaan Cali Muuse Guddoomiyaha Guddiga iyo Culimaa’udiinka degmada Buraan ayaa sheegay in lacagtani ay u soo dirtay Guddiga Marwo Safiyo Daahir Awaare oo ay soo wakiisheen dad Soomaaliyeed oo iskood isu xilqamay.
 
Waxaana ay guddigu uga mahad celiyeen caawimaadan ay kala qaybqateen gurmadka wax loogu qabanayo ay Abaartu saamaysay, oo muddo 4 sanno ka badan la il darnaa abaaro ba’an oo ka jiran Gobolada Sanaag iyo Haylaan.
 
Dhinaca kale, Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa u mahadceliyey Ganacsatada Degmada Buraan ee Boosaaso oo 3 Gaadhi oo Shidaal iyo Rashin gaadhsiyey Degmada Buraan, Balli-busle Cawsane iyo degaanada Buraha Macagta.
 
Sidoo kale , Guddiga Abaaraha ee Degmada Buraan iyo nawaaxigeeda waxay mahad celin u jeediyeen Gabdhaha reer Sweden ee Magaalada Gothenburg ee soo gaarsiiyey deeqdan, waxay sidoo kale u direen Baaq qurba joogta Mandaqada in ay ka qayb qaadtaan isla markaana ay caawiyaan dadka ka badan 1000 qofood oo dib ugu soo laabtay tuulooyinka, magaalooyinka kuwaas oo ay xoolihii ka dhamaadeen.
”Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Sheikh Cismaan Cali Muuse waxaa dadka deegaanka iyo Umadda Soomaaliyeedba ugu baaqay in dadaalkooda ay sii labalaabaan waxaana loo baahan yahay qorshe dadka Ceelal iyo biyo xidheeno loogu samayn lahaa abaartan waa ay ka balaadhan tahay foosto iyo booyad, wax baahidooda daboolaya maaha ilaahay uun baa dadka ka saari kara Abaaraha”
Ugu danbayn, weli waxaa socda dadaalo dadka qurba joogta ah iyo kuwa guduhu wadaan inta karaankooda ah, dawlada Puntland ayaan ka qayb qaadan Abaaraha waxaana ay ku mashquulsan yihiin doorashooyinka iyadoo Puntland ay ka maqan yihiin saddexda Masuuul ee ugu sarreeya Madaxwaynaha, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ayna ku sugan yihin Muqdisho.
Maxamed Axmed Ciise
Buraan, Haylaan, Somalia.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY