Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa war ka soo saartay weerar laga fuliyay agagaarka Gobolka Banaadir, kaas oo la rumeysan yahay in lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka Africom ayaa lagu xaqiijiyay weerarka laga fuliyay meel ku dhow magaalada Muqdisho oo aan magaceeda la sheegin.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Mareykanka si dhow ula shaqeyn doono saaxibadood Soomaaliya iyo xulafada gobolka, si loogu jebiyo Al-Shabaab, laguna soo celiyo xasilooni iyo nabadgelyo.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ay qiimeyn ku wadaan natiijada weerarka, isla markaana wixii warbixin ah ay dib ka soo sheegi doonaan.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada qaaday howlgalkan aan la shaacin doonin, si loo xaqiijiyo amnigooda muddada ay dagaalada kula jiraan kooxda Alshabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu amray weerar qorshaysan oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, sida qoraalka lagu xusayna waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho.

Mohamed Salah
Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY