Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa diiday qorsheyaal lagu sii xoojin lahaa xakamaynta hubka.

Arrintaas waxaa ka mid ahaa in laga hor istaago in hub laga iibiyo dadka kujira liiska qolyaha argagixisada looga shakisan yahay.

Afar qorshe ayaa la hor keenay aqalka Senate-ka kaddib markii 49 ruux lagu dilay weerar ka dhacay baar ku yaala Florida.

Laakiin xubnaha aqalka ayaa u kala codeeyay sidii ay qorsheyaashaas u kala wateen xisbiyada ay ka kala tirsan yihiin ee Dimuqraadiga iyo Republican-ka.

Xildhibaanada ayaana qolo kaste ka soo horjeedsadeen qorshihii uu watay xisbiga kale.

Xubnuhu waxay aad isugu khilaafeen sidii looga hor tagi lahaa in weeraro kale ay dhacaan mustaqbalka.

John Cornyn oo Republican ka tirsan ayaa sheegay in “saaxiibadii ay doonayaan xakamaynta hubka meeshii ay ka ahayd in waxa la qabanayo ay noqoto in la cirib tiro Islaamiyiinta xag jirka ah taas oo ah waxa ay salka ku hayso wixii ka dhacay Orlando. Wuxuu intaas ku daray in saaxiibadii ay doonayaan in ay calaamadaha xanuunka lagu garto dawaynayaan badalkii ay xanuunka laftirkiisa dawayn lahaayeen”.

Barbara Mikulski oo xisbiga dimuqraadiga ka tirsan ayaa tiri “Maxay tahay sababta aan baaritaanno ammaan oo badaan u marno marka aan diyaaradaha raacayno haddana aynaan wax baaritaanno ah u marinaynin dadka kujira liiska dadka argagixisada looga shakisan yahay”.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY