Guddiga doorashadda Dadban ee heer federaal ayaa galabta ku dhawaaqay natiijadda doorashadii aqalka hoose ee Barlamaanka, kaasi oo lagu dooranayay 12 Xildhibaan oo Puntland u matalaya Aqalka Hoose ee barlamaanka Federaalka.

Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah guddiga heer federaal ee doorashadda ayaa ku dhawaaqay magacyada 10 musharax oo ku guulaystay tartankii doorashadda, taasi oo lagu qabtay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland.

Magacyadda Xubnaha Guulaystay Ayaa sida u Qoran.

  1. Cali Yuusuf Cali Xoosh- Majeerteen Ciise Maxamuud 49 Cod.
  2. Axmed Ismaaciil Maxamed -Warsegeli- Baha Majeerteen 30 cod.
  3. Muuse Axmed Ismaaciil- warsengeli/Ugeyslabe 44 cod.
  4. Cumar Ismaaciil Waaberi -Dishiise/Ugaar 28 Cod.
  5. Maxamuud Xayir Ibraahim- Majeerteen/Cali Saleebaan.
  6. Cabdirashiid  Maxamuud Xasan- Yibraha 27 Cod.
  7. Cabdinaasir Siciid Muuse Majeerteen/Siwaaqroon 26 Cod.
  8. Daahir Xaaji Geelle Faarax- Warsengeli/Dubays. 46 cod
  9. Dahar cali Faarax- Warsengeli/ Dubeys 42 Cod.
  10. Cilmi Cumar Cilmi Madhibaan 27 Cod.

Guddiga doorashadu Dadban ee heer Puntland waxay dib u dhigeen  codbixinta labo xubnood, kuwasoo  doorashadoodu ay dhici doonto maalinta Beri. Waxayna guddigu sheegeen in saddex Maalmood gudahood lagu diyaarin doona qaybta labaad ergooyinka  wax dooranaya iyo musharixiinta tartamaya.

10ka xubnood ee la doortay ayaa noqonaysa qaybtii u horraysay ee doorashadda 37 xildhibaan oo Puntland u matalaya Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii labaad ee  doorasho noocan oo kale ay ka dhacdo Puntland, markii u dambayay waxay ahayd markii ay ergooyin ka badan 600 ergay ay doorteen alle ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed oo madaxweyne ka noqday dowladda Puntland 1998dii.

Isha: HM

Sanaag.so

LEAVE A REPLY