Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland oo Hubinaya Sanduuqa Doorashada
Doorashada Xubana Aqalka Hoose ee Puntland oo ka dhacday Maanta hoolalka Jaamacadaha PSU iyo Bariga Afrika ee Garoowe, ayaa waxaa ku soo baxay 11 xildhibaan.
 
Xildhibaannada soo baxay, ayaa isku jira kuwo ku cusub saaxada siyaasadda Soomaaliya iyo Aqoon-yahanno dalka ka shaqayn jiray.
 
Hadaba, AKHRISO; Xubnaha kusoo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Puntland;
 
Doorashada Maanta ayaa waxaa lagu billaabay Kursigii 22-aad oo ku dhintay Daahir Xaaji Gaalle, Waxaana ku guulaystay Walaalkiisa, Maxamed Xaaji Geele.
 
Kursigii 24-aad Waxaa ku Guulaystay Daahir Maxamed Muuse oo helay 36-cod isagoo ka adkaaday Maxamed C/llaahi Xasan oo helay 15-cod oo keliya.
 
Kursigii 25-aad, Waxaa guulaystay C/rasiid Goboobe oo helay 27-cod, isagoo ka adkaaday Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somalia, Ciise Axmed Maxamed [Guraase] oo Helay 24-cod.
 
SIdoo kale, Kursigii 26-aad waxaa ku guulay Sharma’arke Garaad Saleebaan oo helay 50-cod, wuxuuna ka guulaystay Cismaan Xaashi oo helay hal Cod.
 
Kurisigii 27-aad, Waxaa ku guulaystay Sadiq Warfa oo helay 29 cod, isagoo ka guulaystay Faarax C/risaaq Cumar oo helay 22-cod.
 
Kursigii 28-aad, Waxaa ku guulaystay Maxamuud Axmed Ciise oo helay 37-cod, isagoo ka guulaystay Keyse Jaqannaf oo helay 13-cod.
 
Kursiga 29-aad, Waxaa ku Guulaystay, Xaawo Axmed Yuusuf [Gaawe] oo heshay 40 cod, iyadoo ka guulaystay Faadumo Cabdi Maxamuud oo heshay 11-cod.
 
Kursigii 30-aad, Waxaa ku Guulaystay Maxamed Cabdi-Kaafi Maxamed oo 45-cod helay, Wuxuuna ka guulaystay Xasan Xaashi Warsame oo helay hal cod, waxaana xumaatay afar cod.
 
Ugu dambeyn, Kursiga 31-aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia ayaa ku guuleystay C/llaahi Bidhaan Warsame oo 32-cod helay, halka C/raxmaan Xirsi Faarax (Uur-bayto) oo laga Guuleystay uu uu helay 18-cod.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY