Waxaa Maanta Magaala Madaxda Gobolka  Sanaag ee Ceerigaabo si wayn looga xusay 26 June oo ku beegan 56 guuradii ka soo weeragtay markii Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimada ka qaadatay Guumaystihii Ingiriiska 26 june 1960 kii.

Munaasabadan ayaa lagu qabtay  Beerta Xorriyada ee magaalada Ceerigaabo wxaaana ka soo qayb galay Masuuliyiinta mamulkaasi  Somaliland, saraakiisha maamulkaasi ee kala duwan iyo Ciidamada Somaliland.

Cuqaal, Salaadiin, Aqoonyahan, Haweenka iyo shacabka  Magaalada Ceerigaabo  ayaa munaasibadan si wayn uga qaybqaadtay, sidoo kale cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo halkaasi ku soo bandhigay gaaddo ka ciyaar ku soo maray waddooyinka Magaalada Ceerigaabo ayaa salaan sharaf ka qaadtay  Guddoomiyaha Gobolka  iyo Madaxdii Munaasibaddaasi ka soo qayb geshay.

Maayirka Magalaado Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur  ayaa ka hadlay Munaasibaddaasi waxaana uu ka hadlay  qiimaha  ay lahayd Maalinta Xornimada.

12:00 habeenkii la soo dejiyey Calankii Ingiriiska oo la saaray kii aynnu halganay waxaanu lahayn Janno baad gelaysaan oo Aroortii Malab baad dabbaalanaysaan baanu lahayn, ma dabbaalan, waa dhumay, waa la waayey, waa la ina dhacay, nasiib darro dhacday bay ahayd,  runtii  bacda tacab shadiid bay ku timid inana la so noqono xorayadeennii” Ayii yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur

Namnlös1NamnlösCeerigaabo13508817_1346926271989090_8343572750113988225_n13508817_1346926271989090_8343572750113988225_nSidoo kale, xafaladan 26 June ka shekeeyey taariikhdeeda xubno isga jira isku duwayaal, Madaxdhaqameed iyo Guurti iyo marti sharaf kale.

Badhan:

Wararka Sanaag.so ay helayso ilo madax banaan oo lagu kalsoon yahay  ayaa sheegaya in aan 26 June  laga dabbaal degin Degmooyinka  Badhan,  Dhahar, Laasqoray, Xingalool, isakaba daayee xitaa lagama xusin 15 May oo ah Maalimo waynaantooda leh iyadoo gobolada dalka oo dhan laga wada xusay,  waxaa  loo badinaya habacsanaan dhan walba ka jirta, hadday noqoto siyaasad la’aanta, maamul la’aanta ragaadisay deegaanadaasi.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY