Waxgaradka iyo Odayaasha Gobolka Nugaal oo muddo ku siman Laba toddobaad Shir ugu socday Magaalada Garoowe ayaa waxay ka soo saareen Baaq ay u dirayaan Shacabka iyo Dawlada Federaalka ah Soomaaliya, waxayna ku eedeeyeen Maamulka Puntland  wax qabad la’aan, lacago faaliso ah ay sameeyeen, Jiriifka iyo xaalufka ka socda xeebaha Puntland, taasoo  lagu soo xareeyey Maraakiib shisheeye oo Dalwda Puntland lacago ka qaadato.

Waxgaradka, Odayaasha iyo Nabadoonada ayaa  dhanka kale tilmaamay in  go’aanka ay Puntland ka qaadatay Khilaafka Khaliijka ay ka soo horjeedaan.

”Waxaan taageeraynaa go’aamadda ay gaarto Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo heshiisyada ay la gesho Beesha Caalamka, waaan kale oo aan taageeraynaa go’aan kii kale ee dhexdhexaadka ahaa ee ay dawlada federaalku ka qaadatay Dawladaha Khaliijka Carabta” Ayuu yiri Caaqil Abshir

Caaqil Abshir Cali Halow oo Saaxafadda u akhriyey Bayaanka ay Odaayaashu soo sareen,  halkan hoose ka daawo.

LEAVE A REPLY