Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane  Maxamed Cabdullaahi Farmajo

ayaa la filayaa in Maanta oo sabti ah uu booqdo Saldhiga Weyn ee Turkigu uu ku leeyahay Magalada Muqdisho.

Saldhigaas ayaa waxaa lagu tababaraa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,iyada oo horay Ciidamo loogu tababaray kuwo kalena ay haatan tababar ku qaadanayaan

Madaxweyne farmaajo ayaa waxa uu guud ahan kormeeri doona Xarumaha ku yaalla Gudaha saldhiga sidoo kale,waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu tababar u furo dhalinyaro ku biireysa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya waxa uu ka caawiyaa dhinacyo badan,waxana uu Gacanta ku hayaa Garoonka iyo dekada Weyn ee Magalada Muqdisho,waxaana sidoo kale uu Muqdisho ka furtay Saldhiga ugu Wweyn ee uu ku leeyahay Qaarada Afrika

 

LEAVE A REPLY