Dowladda Qatar ayaa ku casuuntay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo shir gaar ah oo bishan ka dhacaya magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey.

Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, iyagoona kawada hadlay xiriirka Soomaliya iyo Qatar.

Sidoo kale labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar ayaa Madaxwaynaha Soomaliya maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad la gaarsiiyay.

War Kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Yuusuf Garaad uu guddoomay casuumadahaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar.

LEAVE A REPLY