M
adaxwaynaha Maamulka Iskiis isku magacaabay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Warqad u sii dhiibay Wasiirkiisii hore ee arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdullahi Cumar oo maalmahan ku suqnaa Caasimada Muqdisho, warqadan ayaa si hoose loogu dhiibay Madaxwaynaha Dawlada Somalila Maxamed Cabdullahai Farmaajo.
 
Wakiilkan ka socday Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar waxaana horay uu usoo noqday Wasiirka Arimaha dibbada Maamulkaasi balse xiligaan waxaa uu ku sugan yahay magaalada Muqisho isagoo waji gabax kala kulmay qorshe culus uu ka damacsanaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
 
Mas’uulkaan ka socday Xisbiga kulmiye markii uusoo gaaray Muqdisho waxaa soo dhaweeyay shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland Balse ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxaana uu u dhiibay warqad kasocotay Madaxweyne Siilaanyo kuna socotay Madaxweynaha Somalia.
 
Sida Xogta ay sheegeyso warqadaasi waxaa ku qornaa in Madaxweyne Farmaajo uu la safto Xisbiga kulmiye Dhaqaalana uu ku bixiyo sidii uu u guuleysan lahaa Musharaxa Xisbigaasi Muuse biixi oo ka qeyb galaya doorashada Somaliland oo dhawaan dhici doonta waxaana warqada lagu caddeeyay in hadii Madaxweyne Farmaajo uu fuliyo codsigaan labada dhinac ay isku soo dhawaan doonaan.
 
Balse Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uusan la dhacsaneyn Xisbiga kulmiye taageerana uu u hayo Xisbiga kale ee Wadani iyadoo lagu wargaliyay wakiilkii ka socday Somaliland in dib loogu soo jawaabi doono hadana uu iska laaban karo.
 
Madaxda Somaliland ayaa shacabka ku hoos nool u muujiya naceybka ay u qabaan Dowlada Somalia balse si hoose ula soo xariira taasoo Dad badan xiligaan ay fahmeyn.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY