Wiilkii ku caan baxay Hal-kudhiga ah ”AAR FARMAAJO II GEEYA” ayaa Galabta loo geeyey Madaxwaynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
 
Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magcaabo Cabdullaahi Maxamuud Cismaan ayaa muuqaalkiisa laga daawaday baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitterka isagoo ku ku hadaaqaya Halku-dhiga caanka noqday ee Aar Farmaajo ii geeya.
 
Cabdullaahi Maxamuud Cusmaan ”Aar Farmaajo ii geeya”oo ka ka mid ahaa tageerayaasha Madaxwayne Farmaajo in uu xilka Madaxtinimada ku guulaysto ayaa habeenkii doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya ee uu Farmaajo xika madaxtinimada ku guulaystay ayaa halmar hurdada ka soo kacay isagoo leh:
 
-Aar Farmaajo ii geeya
Dhalinyaradii isu soo baxa ku dhigaayey magaalada Jawhar ayaa ugu jawaabaayey
– Waa lagu geeynaa!
 
Wiilkan ayaa Galabta markii danbe fursad u helay in uu la kulmo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, kadib codsigiisii ahaa Ar farmaajo ii geeya!
 
Wariye Cali Ducaale oo maanta la kulmay Cabdullaahi Maxamuud Cismaan ” Aaar farmaajo ii geeya” ayaa bartiisa FB ku soo qoray in Wiilkani uu yahya Aaabe ay u joogaan Shan caruur ah (3-Gabdho-2 Wiil) waxaana uu ugu shaqaystaa dhabarkiisa.
Ugu danbayn, Cabdullaahi Maxamuud Cusmaan ”Aar Farmaajo ii geeya” waxaa uu noqday qofka ugu saamaynta badan Bulshada Soomaalida uguna hadal haynta badan waxana uu noqday qof ay riyadiisii u rumowday in uu la kulmo Madaxwaynaha Soomaaliya.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY