Madaxwaynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa booqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya) oo uu ku soo dhoweeyey Madaxwaynihii  hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha dooran Mudane Farmaajo  ayaa kulan la qaadtay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana uu uga mahad celiyey booqashadiisii ugu horreysay uu ku yimaado Madaxtooyada intii xilka loo dhaariyey ka hor caleema saarkiisa.

Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen marxaladihii adkaa ee dalku soo maray iyo horumarannadii laga sameeyey dawladnimada afartii sano uu xilka hayey Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxwayne Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Ummadda Soomaliyeed oo dhan u Mahad celiyeen doorka uu ka soo qaadtay Hoggaaminta dalka iyo tallaabadii geesinimada lahayd uu xilka ugu wareejiyey, taas oo cashar lama illaawaan  u ah dalalka Carabta iyo Afrikaanka.

Kulanaka ayaa waxaa kale oo ay ka wada hadleen qaban-qaaban Munaasabadda Caleema-saarka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin xilliga ay dhici doonto, waxaana Madaxweynaha la doortay uu u mahadceliyey maamulka madaxtooyada muddadii ay soo shaqeeyeen iyo waxyaabaha ay dalka u qabteen.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY