Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullhi Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo kullankooda ka dib kala saxiixday heshiis dhowr qodob ka kooban.

Labada madaxwayne ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo ka wada shaqaynta danaha labada dawladood.

Waxa ay ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan hirgeliyaanna heshiiskii iskaashi ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii July sanadkii 2015 kii, ee xoogga saarayey dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadka, waxbarashada, beeraha, wadaagga aqoonta iyo horumarka, horumarinta xoolaha, kalluumeysiga, dalxiiska, socdaalka, shaqaalaha iyo caafimaadka.

Heshiiska ay kala saxiixdeen labada madaxwayne ayaa qoddobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah in muddo laba todobaad gudahood ah ay bilowdaan duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Nairobi, oo aaney sii mari doonin sidii hore diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya magaalada Wajeer.

Waxa kale oo ka mid ah in la furo xuduudaha labada waddan ee Dhobley iyo Mandheera si loo fududeeyo isu socodka iyo nolosha dadka labada wadan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo aad loo soo dhaweyey  sharfid iyo maamuusid ka dhacdey Aqalka Madaxtooyad ayaa loo riday 21 madfac, waxaana loo garaacay heesta calanka Soomaaliya isaga oo salaan sharaf ka qaatay ciidanka bambayda Kenya.

Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY