Madaxwaynaha Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya Cali Axmed Faatax

Madaxwaynaha Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya Mudane Cali Axmed Faatax oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa uu ku Canbaareeyey Maamulka Puntland duqaymo ay diyaarado u geysteen Buuraha Calmadow.

Diyaaradaha ayaa ka soo duulay Xeebaha Puntland sida la rumaysan yahay  Maamulka Puntland si hoose ula socday, in kastoo xukuumada Puntland  anay weli  ka  hadlin dhankooda isla markaana ka gaabsaday in  ay saxaafadda war ka siiyaan.

Madaxwayne Cali Faatax  ayaa  ku eedeeyey Maamulka Puntland  in dad Shacab ah lagu wax-yeeleeyey  dagaaladaasi, isla markaana la bara kiciyey iyaga iyo Xoolahoodii.

Madaxwaynaha Waqooyi Bari Cali  Axmed faatax ayaa sheegay in diyaaradahan ay amar ka soo qaadteen maamulka Puntland.

Maalin dhoweyd waxaa dhacday in Diyaarado si xun u garraaceen Buuraha Calmadow oo ay Amar iyo Fasax ka soo qaateen Dawlada Puntland, Dad fara badan iyo Xoolo fara badan ayaa ku le’day halkaasi, waxayna ahayd runtii arin  Cadownimo ah oo anan ka filayn in Puntland ku kacdo, waxaan Markan in ay Puntland  ka waantowdo, in ay Ciidamo dibadda ah u yeedhadto oo Buurahaasi Madaafiic ku garraaca, oo Dadka iyo Xoolaha  ku  wax yeeleeya- Ayuu Yidhi Madaxwayne Cali Faatax

Madaxwaynaha  Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya  Cali Axmed Faatax ayaa uga digay Puntland  in ay  fara gelin ku soo sameeyaan Gobolada uu ka taliyo,  Maamulka Waqooyi bari ee Soomaaliya ayaa iska leh nabad sugiddeeda Annagaa leh, Dadka Buuraha ku jira ee  Magacyada Badan sheegta ee Irhabaiyiinta ah  (Alshabaab) Annagaa la xaajoonayna ama Nabad bay nooga tegayaan ama si kale bay nooga tegayaan Ayuu Yidhi  Faatax.

Duqaynta Diyaaradahan ayaa dhacday Maalintii Arbacada 08-06 2016 Maalinimadii Khamiista ayey mar kale diyaaraduhu duqeeyeen deegaanada kala ah Mayra, Siiban iyo Dul oo dhammaantood ku xeeraan Biyo madoow.

Mamaulka  Waqooyi  Bari ee Soomaaliya  ayaa dhowaan Buuraha Calmadow ka Asaasay Ciidan loogu magac daray Gaadh-haye oo la doonaayo in looga safeeyo Ururka Nabad diidka ah  ee Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Calmadow  Iyo Galgala,  Ciidankan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa  Ciidanka Xoogga Dalka  Soomaaliyeed oo hoggaaminyaa wejigan  Cusub ee looga hortagaayo Al-shabaab, kaas oo  weji gabax ku ah  Mamaulka Puntland  oo sannadaha Badan  wax ka qaban waayey in ay dagaalo ku qaadaan Alshabaabka  Galgala.

Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY