Madaxwaynaha Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya Cali Axmed Faatax
Madaxwaynaha Waqooyi Bari Cali Axmed Faatax ayaa u gudbiyey Madaxda Dalka Soomaaliya liiska rasmiga ah ee Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka u mateli doona Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
 
Cali Axmed Faatax Madaxwaynaha Maamulka Waqooyi Bari Xubnaha uu magcaabay ayaa ah shakhsiyaad aad looga yaqaanno Soomaaliya xilalna ka soo qabtay Dawladihii Federaalka ee Soomaaliya
 
Dikreeto Ref: DC/OP/DGJS/oo/2016 24th, 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Mamaulka Waqooyi Bari ayaa lagu yidhi.
 
Mudaneyaal iyo Marwooyin, dareenka aan qabo baa ah in Mudane Abdiweli Mohamed Ali Gaas Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland uu qorshaynayo inuu magacaabo musharaxiinta heer gobol, taas oo ka soo horjeedda xaquuqdda siyaasadeed ee dadka ku dhaqan goboladaas. Anigoo isticmaalaya awoodda Madaxweynaya goboladda Waqooyi-Bari oo ku jira marxaladda dhismaha, waxan dusha saaranayaa in aan caawiyo oo u istaagno xuquuqda, sidaas darteed waxaan kuu soo gudbinayaa magacyadda musharaxiinta la doortay magacyadoodda oo ka soo jeedda Sanaag, Sool iyo Buuhoodle.

Sanaag

1) Hon. Caasha Axmed Cabdalla
2) Hon. Cawad Axmed Cashara
3) Hon. Cabdullaahi Ducaale Cali
4) Hon. Cabdirashid Cali Geele (Eelay)

Sool.

1) Hon. Cali Cabullaahi Xassan Xaamud
2) Hon. Eng.Cabdi Faarax Cabdale Maxamuud
3) Hon. Aamina Axmed Warsame
4) Hon. Xassan Maxamuud Dhiilood
 
Masuuliyiinta kor ku xusan waa musharixiinta ka soo jeedda goboladda Sanaag, Sool iyo Buuhoodle. Maamulka Puntland xaq uma laha inuu xaquuqda shacabka goboladaas matalo. Maamulka Waqooyi-Bari ayaa ah matalayaasha shacabka goboladaas iyo musharaxiintoodaba, sidaa darteed, waxaan ka codsanaynaa Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya inay aqbasho magacyadda kor ku xusan oo ah musharaxiinta ka soo jeeda goboladdaas iyadoo aan dib u dhac ku imaan.
Mahadsanidiin.
 
Sanaag.so
13533048_10209634974411640_9120222118133746673_n
13438913_10209634974651646_9136464441513183851_n

LEAVE A REPLY