Madaxwayne Cali Faatax oo magcaabay ku xigeenkiisa

0
293

Madaxwaynaha  Maamulka Waqooyi Bari  Cali Axmed Faatax ayaa  26 June u  magcaabay Madaxwayne Ku xigeenka Maamulka Waqooyi Bari Prof. Xassan Xirsi Faarax oo ah Aqoonyahan ku xeel dheer Arimaha Siyaasadda iyo Culuumta Beeraha.

Prof. Xassan Xirsi Faarax  ayaa Muddo ka badan 25 sano ka soo shaqaynaayey dhulka Soomaaliya isagoo guulo la taaban karo ka soo hooyey xagga horumarinta iyo nabadaynta Dawladihii ku meelgaar ahaa ee dalka Soomaaliya soo maray.

 Sidoo kale, Waa macalin, waxaa uu wax ka soo dhigay Jamacaddaha Goboladda Waqooyi Galbeedeed Magaalada Hargaysa.

Dharkayn Geenyo

Madaxwaynaha  Maamulka Waqooyi Bari  Cali Axmed faatax ayaa baaq u diray Beelaha Walaalaha ah  ee ku dagaalamay Deeganka Dharkayn-Geeyo ee Gobolka Sool.
Dadka Walaalaha ah ee isku laynaya Deegaanka Dharkayn-geeyo waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan Dagaalka sida ugu dhakhsaha badan, oo ay  nabdii  soo celiyaan iyo Walaaltinimadii. Ayuu yidhi Madaxwayne Faatax

Madaxwayne  Cali Axmed faatax ayaa tacsi u diray  dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii  ay Alshabaab ku qaadeen Hotel Naasa-hablood1 ee Magaalada Muqdisho iyo qayskii Allaha u naxariistee  marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza.

Ugu danbayn, Madaxwaynaha Maamulka Waqooyi bari  ayaa lagu wadaa in uu si dhakhso ah u soo magcaabo Golihiisii Wasiirada, waxaana u wadaa la tashiyadii ugu danbeeyey ee lagu soo xuli lahaa Baarlamaanka mamaulka Waqooyi  Bari.

 kala soco wixii war ah dheer Sanaag.so

LEAVE A REPLY