Madaxwaynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa xalay gaadhay Magaalda Abu- dubai ee Xarunta Imaaraadka Carabta.
 
Weftiga balaaran uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildgibaanno, waxaana Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay wada hadallo la yeeshaan Madaxwaynaha isu tagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyan.
 
Wada hadalada madaxda labada Dawladood ayaa si rasmi ah looga wada hadlayaa heshiiskii Saladhiga Milateri ee Imaaraadku ka dhisayo dekadda Berbera ee Maamulka la magac baxay Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii toddobaadkii hore ay wada gaareen Puntland iyo Shirkada DP WORLD.
 
Ugu danbayn, Safarka Madaxwaynaha uu ku tagay xalay Magaalada Abu Dabai ayaa ku soo aaday xilli uu miiska saaran yahay Mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaraadku ku dhisaayo dekada Berbera taas oo ay wadaan qaban-qaabadiisu Xildhibaanada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY