Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqey gole wasiiro oo cusub oo u badan Wasiiru dowlayaal iyo wasiiro ku-xigeeno. Madaxweynaha ayaa buuxiyey xilka wasiirka Warfaafinta oo muddo 9 bilood ah aan wasiir lahayn, sidoo kale qaar kamid ah Wasiiru dowlayasha ayuu isku badley halka uu keeney kuwo cusub oo aan horey u jirin, Wasaarad aan horey u jirin ayuu sameeyey Madaxweynuhu waxaana loogu magacdarey Dib-udhiska iyo Horumarinta Puntland. Tirada Golaha Wasiirada ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee abid soo marta Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaaday Wasiir K/xigeenkii wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo muddo saddex Sanno ah xilkaas hayay, wuxuuna ku bedelay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Aamina Maxamed Cabdulaahi oo hore u ahayd Wasiir K/xigeenkii Wasaarada Caafimaadka waxaa loo bedelay Wasaaradda Duulista iyo Garoomadda, iyadoo Wasiir K/xigeenka Caafimaadkana loo magacaabay Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore)  oo ku cusub gollaha Wasiiradda Puntland.
 
Madaxweyne Gaas, wuxuu kaloo uu sameeyay Wasiirul dowlaha Cusub ee wasaaradda Maaliyadda, isagoo u magacaabay Maxamuud Faarax Beeldaaje oo hore u ahaa wasiir dowlaha Amniga, iyadoo xilkiisii loo magacaabay Cadirashiid Cali Geele, Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarshada u magacaabay Yaasiin Cabdi Seed oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka Federaalka, wuxuuna bedelay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sanadkii 2012kii.
 
Inkastoo aan lagu cadayn wareegtada madaxweynaha Wasiir K/xigeenadda xilka laga qaaday ayaa haddan waxaa muuqata in Gollaha Wasiiradda dowladda Puntland ay sii cagacagaynaya ku dhowaad lixdan Wasiir, Wasiiru k/xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, Waana tiradii ugu badnayd ee abid  la magacaabo tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland 20 sanno ka hor.
 
Hoos ka akhri Wareegtada Madaxweynaha Puntland
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 June 2016 Xafiiskiisa kasoo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr. 55 June 05, 2017.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay : Dastuurka Dawladda Puntland.
Makuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu la tashtay: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.
 
Wuxuu xeeriyey:-

LEAVE A REPLY