Madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland ,kuwaasi oo isugu jiray wasiiro iyo ku xigoonadoodi , isla markaana tiro ahaan gaarayay 53 xubnood.
Golaha cusub ayaa intooda badan laga soo qaatay xukuumad-dii kalsoonida lagala laabtay ,iyadoo ay jiraan xubno ku cusub liiska , balse hore xilal kala duwan uga soo qabtay maamuladii soo maray gobolka.
 
Xubnaha booskooda waayay waxaa kamid ah wasiir Aniso Xaaji Muumin oo ahayd wasiirkii Haweenka Puntland ,iyadoo Axmed Cilmi Karaash oo horey u ahaa wasiirka arimaha gudaha loo badalay wasaarad-da duulista hawada iyo Garoomada.
 
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/laahi Quraan Jecel oo la hadlay warbaahinta ayaa akhriyay liiskan oo maalmihi la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay.
 
1. Saalax Xabiib Jaamac: Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
2. Cabdulaahi Cali Xirsi : Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad : Wasiirka Amniga iyo DDR
4. Cabdulaahi Siciid Carshe : Wasiirka Maaliyada
5. Shire Xaaji Faarax : Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
6. Cabdiftaax Siciid Caynab : Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
7. Abshir Ow Yusuf Ciise : Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke : Wasiirka Caafimadka
9. C/rixmaan Barkhad Warsame : Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
10. Siciid Maxamed Raage : Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash : Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
12. Maryan Axmed Cali : Wasiirka Hormarinta Haweenka
13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab : Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran : Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
15. Cabdulaahi Sh. Axmed : Wasiirka Xanaanada Xoolaha
16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe : Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame : Wasiirka Deegaanka
18. Cabdirshiid Maxamed Xirsi :Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
19. Cabdi khadar Faarax Shaaciye : Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
20. Cabdiraxman Sh. Axmed: Wasiirka Shaqada Shaqalaha iyo Ciyaaraha.

Wasiiru Dawlayaasha.

  1. Waxaa Cabdirashiid Cali Geelle loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  2. Waxaa Axmed Calimi Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.
  3. Waxaa Burhaan Cilmi Xirsi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah.
  4. Waxaa Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Goladda.
  5. Waxaa Axmed Siciid Cabdiraxmaan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka iyo Amniga Badaha.
  6. Waxaa Seyid Cumar Guuleed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka.
  7. Waxaa Cabdiqani Geelle Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Garoomada Puntland.
  8. Waxaa Cali Yuusuf Cabdi Giir loo magcaabay Wasiiru Dalaha Wassaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladdaha Hoose.
  9. Waxaa Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye loo magcaabay Wasiiru Dalaha Wasaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  10. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
  11. Waxaa Cabdifataax Nuur Axmed Ashkir loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha iyo isgaadhsiinta.
  12. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda.
  13. Waxaa Yasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare.

Wasiir Ku-xigeenadda.

  1. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen Waloore loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Diinta iyo Dhaqan Calinta.
  2. Waxaa Cabdulaahi Xaashi Qoob Deero loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladdaha Hoose.
  3. Waxaa Cabdicasiis Maxamed Aadan loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
  4. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
  5. Waxaa Saciid Faarax Maxamuud loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhaka Caalamiga ah.
  6. Waxaa Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Fadaraalka.
  7. Waxaa Dr. Maxamed Cali Faarax loo Magaacanbay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Wax Barashadda iyo Tacliinta Sare.
  8. Waxaa Dr Faarax Maxamed Warsame loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
  9. Waxaa Faarax Cali Cabdi loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
  10. Waxaa Cadirisaaq Nuur Cumar loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
  11. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo Magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista  Hadda iyo Garoomadda.
  12. Waxaa Faa’iso Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horuminta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
  13. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
  14. Waxaa Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf loo magacaaaby Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Weshedaha.
  15. Waxaa Dr. Nuur Axmed yuusuf loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  16. Waxaa Saciido Xuseen Cali Gees loo Magcaabay Wasiir Kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka.
  17. Waxaa Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaan Dalxiiska iyo Duur-joogta.
  18. Waxaa Maxamuud Maxamed Gabax loo  Magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  19. Waxa Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
  20. Waxaa Maxamed Jibriil Caateeye loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY