Madaxwaynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee, xildhibaan Burci Maxamed Xamsa oo ahaa wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee arrimaha deegaanka.

Marxuum Burci ayaa ka mid ahaa dadkii lagu laayey, weerarkii lagu qaaday Hotel Naaso-hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Burci uu ahaa waddani hawl kar ah, laguna xusuusan doono dadaalkii uu u galay, badbaadinta deegaanka ee Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in marxuumku uu magaca Soomaaliya ku daray, liiska dalalka sida wanaagsan looga qaddariyo arrimaha deegaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu geeyo jannadiisa Fardowsa, ehelada, saaxiibbada iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed ee uu ka tageyna sabir iyo iimmaan ka siiyo.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY