SANAAG.SO— Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa furay Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Shacabka Jubbaland-Soomaaliya.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 52 Xildhibaan, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland ayaa Madaxwaynaha uga warbixiyey fasaxii ay muddada ugu maqnaayeen Baarlamaanku iyo booqashooyinkii ay ku tageen  Degmooyinka hoostaga Maamulka Jubaland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in gudoomiyeyaasha guddiyada Baarlamanku ay tababarro ku soo qaadteen Dalka dibaddiisa, sidoo kale  ay booqashooyin ku tageen  deeganadii laga soo doortay.

Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo furitaanka Baarlamaanka  Khudbad  dheer ka jeediyey ayaa ugu horrayn ka hadlay Abaaraha ka jira dalka , Deeganada la damacsanahay  in dhakhso loo xorreeyo ay gacanta ku hayaan Kooxada Alshabaab.

Madaxwaynaha Jubaland  Axmed  Madoobe ayaa ka hadlay qaabka loo wajahayo dagaal culus oo lala galo kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab  waxaa uu  yidhi:

”Guddiyo ayaan soo qaybin doonaa isku dhafan, haddii ay Xildhibaannadu tuhmayaan qolyaha Wasiirada ahi,in ay Magaalada galgal badan ku lehyihiin Magaalada waynu ka wada bixi doonaa haddii ilaahay idmo, kuwa Federaalka ugu jira deegaankana guddoonka baan waydiisanaynaa, iyaguna waa  iman doonaan,”

Madaxwaynaha  Jubaland Axmed  Madoobe waxaa uu intaa ku daray:

” in labo Xaalo  labadaba  in ay daawo ka noqdaan!.

  1.  Deeganada ay ka soo jeedaan hawlgalada ka jira in uu  ka qayb-qaadto oo ogaado waxa dhabta ah ee jira
  2.  Tabashooyinka deeganada ka jira : Tabashooyin baa ka jira deegaanada qaar badan oo ka mid ah, waa  yar tahay  deegaan aan tabasho ka jirin.

Markaa Xildhibaankii Federaalka ahaa ee deegaankaasi ka soo jeeday iyo Xildhibaankii Jubaland ka soo jeeday iyo fulinta dadka ahi meeshii la wada tago, waxay sahlan tahay in wixii la saxo.

Maxaa meeshan ka jira?
Khaladka jiraa halkee ka jiraa?
Sidee wax loo saxaa?
Waxa ina loo sheegayaa ma run baa ma beenbaa?
Mise maalin walba dil baa meelahaas qaar ka dhaca?
Waxaa ka dhacaya dhac, waxaa ka dhacaya barakac, waxaa la soo sheegayaa intaas oo shay!
Waxaan rabaa in loo diyaar garoobo, waan soo Wargelin doonaa Guddoonka, in la tegi doono deeganada, Xildhibaanaduna ay tegi doonaan inta xorta ah ciddii ka soo jeedana way tegi, inta xorta aan ahayn (ee Alshaabku haysto) waa la tegi, hawlgalkana waa la wada geli InshaAllah”
Waxaan codsan doonaa in Baarlamaanka laxidho”Kalafidhiga furmay) waxaan codsan doonaa Shirarka Golaha Wasiirada kan Baarlamaanka in ay ka dhacaan hadba tuuladii la xorreeyo iyo Maagaaladii la xorreeyo, Kismaayo aanay Saldhiga dhabta ah noqon!! (Sacab…..).
Intaas markaan idin leeyahay maaha in aan anigu ugu danbayn doonon (Qosol…) Haddaan anigu idin ku hormari waayo ha bixina (Qosol…) Waagii hore lug buuba ku soo galay naf jeclaysi baa galay haddaad ii aragtaan, Idinkuna ha bixinna! taas baan idin farayaa!.
Halkan hoose ka daawo qayb ka mid ah khudbadii Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY