Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Shaxda.
 
Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in safarkiisa uu ugu kuur galayo xaalada abaareed ee ka jirta deegaanadan, isaga oo sheegay in dawladda uu hogaamiyo si wayn uga qeyb-qaadan doonto taakulaynta dadka ku tabaaleysan deegaannada ay abaarta ku dhufatay.
 
Weftiga uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa intii uu deegaanka ku sugnaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Sool iyo Buuhoodle oo uu ka mid yahay Garaad C/risaaq Garaad Soofe iyo waxgaradka deegaanka.
 
Ugu danbayntii, booqashadan Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Itoobiya ayaa noqoneysa tii ugu horraysay ee uu ku tago Degmada Buuhoodle.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY