Lacagaha Faalsoda ah ayaa Sicir bararkii ugu xumaa cirka kuu sii shareeray quutal daruurigii iyo maciishadii, shirkadaha waawayn waxa ay cirka ku sii toleen sicirkii badeecadaha kala duwan, Ganacsatadii yaryarayd waxba waa goosan kari waayeen, maxaad haddaba ka malayn danyartii boqol boqolka loo soo diri jiray iyo dadka xooluhu ka dhammaadeen ee abaarta ba’ani saamaysay?
 
Balaayiiin Shilin Soomaali ah oo baakadaysan aya la soo galiyay Suuqyadda saarifka lacagaha qalaad ee magaalooyinka Waawayn ee Puntland.
 
Waxaa kor u kac ku yimid sarifka lacaga qalaad ee guud-ahaan Deegaanada Puntland,waxaana 100-kii Doolar oo awal lagu sarifan-jiray 2-Malyan iyo 400-Kun Sh.So ah, uu hadda gaaray 2-Malyan iyo 800-Kun Sh.So. iyadoo Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya uu 100-Doolarkii ka yahay 2-Malyan iyo 400-Kun Sh.So. Halka Puntland lacagahan Faalsadda ay sababeen Doolarka uu sii caga-cageeyo 2-Malyan iyo 800-Kun Sh.So ah, waxaana dhici-karta sanadka cusub ee 2017 inuu gaaro 100-kii 3-Malyan (3000-000) Sh.So.
 
Kor u kaca sarifka lacagta qalaad ayaa imaanaysa xilli ay guud ahaan dalka ka jiraan abaaro lixaad leh oo sababay inaan dad badani aysan iibsan karin waxay wax ku cunaan iyo waxay ku maareyn lahaayeen noloshoodda.
 
Lacagahan Baakadaysan ee Madaxtooyadda Boosaaso lagu sameeyo ayaa gaaray heer Guryo uu iska leeyahay Duqa Degmadda Qardho Maxamed Saciid Ciise in laga dhigo Bakhaaro lacagahan faalsadda lagu kaydiyo,waxaana la saaraa Gawaari Candho-meedle ah oo geeya lacagahan Magaalooyinka Garoowe,Gaalkacyo,Qardho,Buurtinle,iyadoo xitaa loo daabulo Degmadda Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.
 
Shacabka Puntland oo dhaqaalo xumo ku noolaa mudadii 3-sanno sanno ee xilka uu hayey Madaxweynaha Puntland ayaa lacagahan faalsaddaa uu sameystay waxay uga sii dari-doontaa nolosha ciriiriga ah ee ay ku nool yihiin Dadweynaha dhibanayaasha ah ee Dhul Udug kuu dhaqan.
Hadii aan laga hortagin Lacagahan Faalsadda ah ee Gaas iyo Seedigiis Maxamed Saciid Ciise ku sameysanayaan Warshadda Madaxtooyadda Boosaaso ku taal, waxaa arintan ay u horseedi-doontaa Shacabka Puntland dhaqaalo-xumo iyo sicir barar ay ka sheekeeyeen Sanooyinka soo socda haddii aan hadda la isku xil-qaamin in laga hor-yimaado lacagahan Faalsadda ah.
 
Nasiib-daradda ku dhacday 3-dii sanno ee ugu dambaysay  ee  Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas xilka loo doortay Makiinadahaasi waa ay shaqaynaayeen isna waxa uu noqday shaqsi Diintiisu ay lacag tahay oo meel xun lacag ka raadinaya, isagoo aan haba yaraatee aan kala jecleyn sicir bararka ay keeneen lacagahan Faalsadda ah ee Madaxtooyadda Boosaaso lagu sameeeyo iyadoo Baakadaysan lagu qayb-saddo laguna keydiyo xaafad uu Boosaaso ka degan-yahay seedigiis Maxamed Saciid Ciise.
 
Ugudanbayn, Waxaa xusid mudan lacagaha Faalsadda ah ee Madaxwayne Cabdiwali Mxamed Cali Gaas iyo Seedigii Maxamed Siciid Ciise lagu beddesho maaliyiin Doollar ah isla markaana lagu xawilo shabakaddo isku xidhan oo ka jira Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.
 
Sanaag.so News Desk

LEAVE A REPLY