SANAAG.SO– Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya ayaa Warmurtiyeed cusub oo ay soo saareen waxaay isku raaceen  in dib loo dhigo fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, ilaa iyo inta laga dhamaystirayo  doorashada Madaxwaynaha Dawlada Federaalka  ee Soomaaliya.

Madashu waxay kale oo isku raaceen in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi, taasi oo loo xilsaaray Ra’isul Wasaaraha Soomaalliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Madaxda madasha oo kulanka ku lahaa Muqdisho waxa ay jabiyeen markii ay kor-dhinayeen tirada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya qodobka 73aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah waxaana u qoran yahay sidatan: Qodobka 73aad Tirada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, tiradoodana waa ugu badnaan 54-Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol Soomaaliya lahayd ka hor 1991-kii, iyada oo saldhig looga dhigayo: (a) Tirada Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka; (b) Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayadu waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah; (c) Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

Ugu danbayn, Qaramadda iyo Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay in kordhinta xubnaha aqalka sare ee Barlamaanka, waxayna shaki weyn ka muujiyeen kalsoonida lagu qabi karo hanaanka doorashadda 2016ka ee Soomaaliya oo ay sheegeen in musuqmaasuq iyo wax isdabarin badan ay ka dhacday xiligii ay socotay doorashada aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka.

Sanaag.so , News Desk

 

LEAVE A REPLY