somaaliya waxa ay  ka mid tahay dalalka ugu badan ee dadkoodu uu haleelay xanuunka Dhimirka, waxaana Daraasad ay sameeyeen hay’ado caalami ah  lagu sheegay in dadka Somaaliyeed 3dii qof ba uu qabo xanuunka  ama u la nool yahay xanuunka dhimirka.

Magaalada Bosaaso oo ka mid ah magaalooyinka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee dhimirka qaba, waxaana ku taala xarunta ugu wayn Puntland ee dadka lagu xanaaneeyo, gacantana uu ku hayo Suldaan Geel Xoor.

Cismaan Cali Xasan waa maamulaha Xarunta Dhimirka ee Bosaaso,  waxa uu Sanaag.so u sheegay in xaruntan lagu dabiibay dad farabadan qaar koodna ay caafimaadeen.

Suldaan Maxamed Muuse Maxamuud Geel Xoor oo ah asaasaha xaruntan ayaa ka warbixinaya xiligii  la asaasay iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay  xaruntaasi.

Xarunta ayaa waxaa muddo ku siman 15 sano  taageero siinaysay Hay’adda Qoryoolay,  taas oo ay maamulka xarunta uga mahad celiyeen sida ay markasta u garab taagan yihiin.

Ugu danbayn,  Suldaan Maxamed Muuse  waxaa  uu xusay in dadkani u baahanyihiin baahiyaha asaasiga ah oo dhinac walba ah ayna u baahanyihiin taageero, waxana uu ummadda Soomaliyeed ee khayrka jecel ka codsaday in dadkaasi la xanaaneeyo.

Dadkan Xarunta ku jira ayaa isugu jira dad eheladoodu keeneen oo ay ku soo booqdaan xarunta iyo dad aanba lahayn qaraabo iyo ehelo soo booqata toona.

LEAVE A REPLY