Marka hore waan ku faraxsanahay xalafladan quruxda badan, sharafta badan Waxgaradka Odayaasha Mutacalimiinta, Dhalinyarada Gabdhaha, Ciyaalka soo koraya dhammaantiin waxaan idin ku salaamaya

Assalaamu Calaykum Wrb.

Kulan keennna caawa aad baan ugu faraxsanahay, waxaan ilaahay inooga baryaayaa in uu inooga dhigo kulan khayr, waxaan ilaahay ka baryayaa in uu inooga dhigo mid ilaahay inoogu denbi dhaafo.
 
Runtii, safar baan ka soo galay siidii aan hore idin ku sheegay; jeclaanta aan u qabo Beesha Warsangeli iyo qaddarinta ay iga mudan tahay awgeed anigoo aan guriga ku leexan baan go’aansaday in aan xaafladan qiimaha leh idin kala soo qayb galo, waana ku faraxsanahay, khayr Ilaahay ha idin siiyo.
 
Walaalayaal, kulankan sida aad u qorshayseen madashan quruxda badan, qaban qaabayaashii kulankan ka soo shaqeeyey iyo ka soo qayb-galayaasha sharafta badanba, runtii dhammaantiin waxaan idin leeyahay khayr ilaahay ha idin siiyo, Allahna ha idin barakeeyo
 
Sida aad la socotaan mudaddii hadda in ku dhow laba bilood waxaan joogay wadamadan Skandenevianka, safarkaygii ugu danbeeyey hadda waxaan ka imid Denmark magaalada Copenhagen, ula jeedada safarkayguna waxa uu ahaa ummada Soomaaliyeed meel kasta ay joogto in aan kala hadlo wadajirkooda, midnimadooda iyo weliba inta qurbaha joogta sidii ay isugu xidhnaan lahayeen, sidii ay gacmaha isku qabsan lahayeen, sidii muwaafaqo iyo talo Soomaali oo dhan anfacda ay uga soo bixi lahayd.
 
Dhamaan meelihii aan tegay oo dhan arinkaas waa la ila qaadtay, wayna ballan qaadeen in ay arinkaasi ka dhabeeyaan, idinkana waxaan rajaynayaa hawshan in aad gacan igu siisaan, sidaad marwalba iila garab taagnaydeen ducadiina; waxaan idin ka rajaynayaa InshAllah in aad qaybtiina ka qaadataan anigoo ku kalsoon qayb shiriif ah iyo door wanaagsan in aad ka qaadantaan.
 
Go’aankii aan qaatay ee ugu horreeyey waxaa uu aha inaan ka bilaabo Badhan, Sanaag iyo deegaanada hoos yimaada; waxyaabaha aan halkaasi ku soo arkay oo aan rabo Beesha Warsangeli (Jaaliyadda Warsangeli) meelkasta ay joogto inaan kala hadlo iyo guud ahaan Soomaali iyo reer Puntlandba waxa weeye in ay jaaliyaddu xoogga saarto, sidii waddanka wax loo gelin lahaa, sidii wax looga qaban lahaa; arrinkaasna waxaa ugu horreeya Waddada Ceeldaahir iyo Badhan ilaa Ceerigaabo isku xidha, arrinkaasi aan fadhiga uga kacno!
 
Rajo wayn baan ka qabnaa InshaAllaah in ay hirgasho, maamulkuna tallaabadii ugu horreysay waa qaaday hawshina way bilaaban tahay.
 
Waxaan rabnaa hawshaasi Jaaliyad ahaan meel kasta ay joogto Jaaliyadda Warsangeli iyo reer Puntland, ummada Soomaaliyeed meel kasta ay joogto, inta khayrka jecelba in ay ka qayb qaataan dhismaaha wadada Ceeldaahir iyo Badhan ilaa Ceerigaabo.
 
Waxa khayrka ah wixii lagu bixiyaa ilaahay agtiisa xasaanaad baa lagu helayaa, Aakhirona Janno iyo wax inoo horeeya oo wanaagsan baan ku helaynaa, markaa inaad xoogga saartaan sidii wadadaasi idin ku hirgeli lahayd InshaaAllah.
 
Aniguna waan ballan qaaday in aanka qayb qaadto, haddana marlabaad ayaan ku celinayaa diyaar baan u ahay, wayna dhismi doontaa wadadu inshaaAllah – Ayuu yiri
Boqor Burhaan Boqor Muuse
Ahmed M Shire
Sanaag.so

LEAVE A REPLY