Kulankii Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee lagu waday in looga hadlo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka ay soo xaadiri waayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.

Xildhibaanada badankood ayaa fasax ku maqan, qaarkood Xajka ayay jiraan, sida ay wariyeyaasha soo sheegaan.

Warar kale ayaa sheegaya in baaqashada kulanka ay tahay qorshe Xukuumadda wadatay, si kulanka maanta aanu u qabsoominn, isla markaana loo helo fursad ololaha lagu sii wado, si ay loo kala fur furo Xildhibaanada ka soo hor-jeeda go’aanka Xukuumadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u muuqda inay arrintan Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee loo gacan geliyay Itoobiya isku khilaafsan yihiin, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay dhaliso doodo adag oo uu Baarlamaanku ku kala qeybsamo

LEAVE A REPLY