Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland waxaa Caawa abaarihii 7:45 Pm ka bilaabmay dagaal culus oo lagu qaaday Saldhiga Dhexe ee Bartamaha Magaalada Boosaaso.
 
Goob jooge ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa Warkaasi u xaqiijiyey Sanaag.so, waxaana hal mar lagu war helay Rasaas culus iyo bambooyinka gacanta lagu tuuro.
 
Wararku waxay intaasi ku darayaan in uu dagaalku ku fiday Xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida xafiiskeeda oo aan sidaas uga fogayn Saldhiga.
 
Waxaa xirmay dhammaan goobihii Ganacsiga iyo dhammaan goobihii lagu cawayn jiray, waxaana meel walba laga maqlayaa rasaas culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, lama oga khasaaraha dhacay inta uu le’egyahay, laakiin illo xog-ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in cusbitaalka guud ee magaalada Boosaaso dhaawacyo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Bartamaha Boosaaso.
 
Hadda oo saacadu ku siqayso 11:40 waxaa weli laga maqlayaa Magaalda Boosaaso rasaas goos goos ah oo dhacaysa xaafadaha magaalada qaybteed, wixii war ah oo danbe kala soco Sanaag.so warkayaga danbe haddii Eebe Idmo.

LEAVE A REPLY