Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka inay ku soo wargeliso howl galada laga fulinayo deegaanada Gobolka Sh/Hoose, kaddib weerarkii jimcihii lagu dilay dad beeraley ahaa.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beraha Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in howl gallo dhowr ah oo laga sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda Federaalka iyo ciidamada taageera inay naga tala geliyaan weerarada ama howl galada ay ka fulinayaan Shabeellaha Hoose oo ka mid ah deegaanada Koofur Galbeed”ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka codsanayaan saaxibada caalamiga in lagu gacan siinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Guddi uu u saaray weerarkii Bariire, kuwaasoo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Hadalka kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegamaya xilli Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka 25-kii bishaan ay weerar ku qaadeen beer ku taalla degaanka Bariire, halkaasi oo ay ku dileen 10 qof oo shacab ah.

Mohamed Salah
Sanaag.so

LEAVE A REPLY