Waxaa Magaalada Hadaaftimo lagu soo dhoweeyey Wafti ka socda Maamulka Somaliland 07th July 2016oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Kummishanka Doorashooyinka Maamulka Somaliland Siciid Cali Muuse oo hore u ahaan jiray Weriyaashii ka howl geli jiray Idaacada BBC da laanteeda Afka Soomaaliga.

Waa markii ugu horreysay oo uu Suldaan Siciid Cabdisalaan  meel fagaare ah uu ka caddeeyo in doorashooyinka Somaliland ay ka qabsoomayaan Gobolka Sanaag.

Waxaan halkan ku soo dhoweynaynaa Maanta Siciid Cali Muuse oo ahaa Suxufiyiintii oo kana  mid ah  hadda Xubnaha Kummishanka  Doorashooyinka Somaliland, isagoo maanta booqashoo noogu yimid nagulana ciiday Magaalada Hadaaftimo ayuu yidhi Suldaan Siciid Cabdisalaan

Weftiga waxaa ka mid ahaa Cabdixakiim wahaabi oo Somaliland ugu magcaaban in uu yahay  Badhasaabka Gobolka  Badhan  oo  sheegay in ay diyaar u yihiin  in ay saaka (ciidka) inaan diiwaan gelintii aan galno.

Weftigan ayaa isku soo beegay Maalinta Ciidka iyagoo Suldaan Siciid Cabdisalaan iyo Odayaal hore loo sii qorsheeyey balse huwan magaca Nabadoono kula tukaday Hadaaftimo  si looga dhigo in dadwaynaha Magaalada Hadaaftimo ka qayb galeen diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Weftiga Kumminshanka Doorashooyinka Somaliland ayaa Barnaamijkooda Olole ugu jira si ay uga hir geliyaan Maalmaha foodda nagu soo haya  doorashoyinka cod bixiyeyaasha Somaliland waxaana wararka soo gaadhaya  Sanaag.so  ay noo xaqiijinayaan Illo wareedyo ku sugan Magaalada Ceerigaabo  in 40 Baabuur oo sida Sanaadiiqda  Cod bixinta Somaliland ay soo gaarayaan Maalinta beri ah Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo ka soo baxay Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale  waxaa magaalada  Hargaysa laga soo diray Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Xubno Wasiiro ah si ay  u hirgeliyaan doorashoyinka cod bixiyeyaasha Somaliland waxayna ku wejahnaan doonaan Magaalada Badhan halka xubna uu ka mid yahay Cali Buureed, Maxamed Siciid Gacameey, Xildhibaanad Baar Siciid iyo Taliyaha Ciidamada Somaliland Muuse Jaamac Dalaf ay tegi doonaan Maagaalada Dhahar.

Si kastaba ha ahaatee Sanaag.so waxay si dhow ula socodtaa  in dagaal dhiig ku daadto la qorshaynaayo  inta u dhaxaysa 17 ilaa 20 ka July taas oo ay foodda is darri doonaan Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Ugu danbayn, Weli ma ay dhicin taariikhda in laga codeeyo Gobolka Sanaag iyo Haylaan doorashooyinka Somaliland balse waxaa lagu war helaa  Sanaadiiq baabuur la soo saaro kuwaas oo dib looga celiyo waxaana ku nafwaaya dad shacab ah, taas oo ay sabab u yihiin xubno soo dhoweeya oo shaashadaha Tv’da  gaarka loo leeyahy ka soo dhex muuqda Sida Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo kuwa la soo dhoweeyo sida  Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami  oo ay dadka shacabka ahi ku eedaayaan in  ay falalkaasi  mudahaaraadyada iyo dhimashada sabaab u noqdaan.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY